Sunday, April 19, 2015

“Sababta Loo Beddelay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Waa Arrimo Siyaasadeede Ma Aha Dibu-haybayn Garsoor…”Cali Gurey

cali gureyHargeysa:April,19,2015(Himilo)-Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Ucid, Ahna Ku simaha Guddoomiyaha Xisbiga Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali gurey), ayaa ka Hadlay arrimo ay kamid yihiin Dib u dhaca Doorashooyinka iyo Waliba aragtidiisa ku aaddan xil-qaadistii madaxweyne Siilaanyo xalay ku sameeyey Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Dalka Yuusuf Ismaaciil Cali.

Mujaahid Cali Gurey oo Maanta saxaafadda kula Hadlay Xafiiskiisa, ayaa Madaxtooyada ku eedeeyey inay sabab u tahay fashilka ku yimid doorashada, isagoo sidoo kalena xisbiga Waddani ku canaantay inaanay gees iskaga duwin Eedda didbu dhaca doorashada oo madaxtooyadu kula soo galgalatay,

“cidda doorashada qabsoomideedda fashilisay waanu ognahay oo waa madaxtooyada Habaarka qabta ee Axmed Siilaanyo, laakiin kuwii Eedda la saaray oo waddani ahi waliba kama ay hadlin.” Ayuu yidhi Mujaahid Cali Gurey.

Cali Gurey oo Ka Hadlay aragtidiisa la xidhiidha Caydhinta Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee Dalka lagu sameeyey, ayaa sheegay in Guddoomiyaha loo eryey arrimo siyaasadeed oo aanay dhab ahayn Qoraalka Digreetada Madaxtooyada ku qoran ee sheegaya in Dib uhabayn Dhinaca Garsoorka ah loo eryey, waxana isagoo arrimahaas ka hadlaya hadaladiisii kamid ahaa,

“Nidaamkaas oo dhan in wax laga beddelaa bay ahayd, laakiin tan ma qabo sababta ku dhiigan degreetada madaxweynaha ee ah in la hagaajinayo garsoorkii oo ay jawaabtii tabashadii garsoorka tahay, laakiin waxan qabaa in sababo kale sababta lagu beddelayna ma aha Dib u habayne waa arrimo siyaasadeed,”

Cali Gurey waxa uu tilmaamay inaanu Markii horeba Guddoomiyaha Maxkamaddu ahayn qofkii shaqadaas ku haboonaa, isla-markaana aanu lahayn Karidii loo baahnaa, waxana uu hoosta ka xarriiqay in lagu raalligelinayey Reerka uu kasoo jeedo, waxana uu yidhi,

“ anigu markii horeba ma qabin inuu ahaa qofkii ku haboonaa maxkamddda waayo ma lahayn aqoonteedii, Daacadnimadeedii iyo kartideedii, laakiin waa lagu jeclaa oo wixii laga fushanayaa laga fushaday, maantase markii arrimo dhinaca siyaasadda ah oo waliba reerkiisa ay gaadhay in madaxweynaha la is horfadhsiisto reer Xaaji Ayuub in ciqaab looga dhigo waanu idinka beddelnay guddoomiyhii taasi waa ceeb, wax ay ka beddelaysaa nidaamkii garsoorka somaliland na ma jirto.”

Degreetada xilka lagaga qaaday Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Soamlilad Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa habeenkii xalay soo baxday,waxana madaxweynuhu ku sababeeyey habacsanaan dhinaca Garsoorka ah iyo waliba wada shaqayn la’aan dhexmartay Guddoomiyaha iyo Bahda Caddaalada oo cabashadeedu madaxtooyada Gaadhay.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment