
Hay’adda IOM iyo sanduuqa iskaashiga Talyaaniga oo iska kaashanaya hirgelinta mashruucan oo lagu taageerayo dadka bara-kacayaasha ayaa ku kulmin doona Soomaalid aqurba-jooga, hay’adaha maxaliga Talyaaniga, ururada Bulshada oo iska kaashanaya dib-u0dhiska Soomaaliya.
Hirgelinta mashruucan oo wejigii labaad ah ayaa lagu sheegay in wejigiisi koowaad oo laga fuliyey magaalooyinka Hargeysa, Boorama, Berbera iyo Burco lagu fuliyey mashaariic sare loogu qaadayo caafimaadka iyo waxbarashada.
Urur samofal maxali ah “SEDO Organization”, ee ka dhisan magaalada Berbera oo la sheegay inuu fuliyey mashruuc waxbarashada la xidhiidhay ayaa sheegay inuu xarumaha bara-kacayaasha Berbera ku caawiyey afartan arday direyska, buugaagta iyo qalimada muddo sannad ah.
Inkastoo mashaariicda hay’adda IOM oo xarunteedu tahay Soomaaliya, xafiisna ku leh Somaliland fuliyaan wax tar u leedahay bulshada, ayaa dhinaca kale waxa la isweydiin karaa xukuumada Somaliland iyo hay’adaha u qaabilsan, sida wasaarada Qorsheyntu ilaa heerka ay la socdaan hawlaha hay’adaha gargaarku uga fuliyaan mashaariic ku magacaaban Soomaaliya dalka, taasoo meesha ka saaraysa mowqifkii shacabka Somaliland ugu codeeyeen aftidii dastuurka madaxbanaanida Somaliland.
Dhinaca kale, wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo hore u sheegay inaanay aqbali doonin mashaariic loo soo mariyo xukuumadda Soomaaliya, ayaan la ogeyn inuu raali ka yahay isla markaana ogol yahay in hay’adaha gargaarku ka fuliyaan Somaliland mashaariic ku suntan magaca Soomaaliya.
Sidoo kale wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oon isku deynay inaan wax ka weydiino ayaanay noo suurtoobin inaanu khadka telefonka ku helno.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment