Thursday, April 2, 2015

Xaaladda Soomaalidii u horreysay ee ka soo qaxa Yemen oo gaadhay Soomaaliya

Boosaaso, 02 April, 2015 (Himilo)- Ku Dhawaad Boqol Ruux oo Soomaali Qaxoontiya ah oo isugu jira Dumar, Carruur, Rag dhalinyar iyo Waayeelba ah oo ka soo cararay dagaallada ka socda waddanka Yemen, ayaa soo gaadhay Arbacadii shalay magaalada Boosaaso Xarunta gobolka Bari ee Maamul-goboleedka Puntland.
Masuuliyiinta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa sheegay in markii ugu horraysay dad Soomaali ah oo kasoo Baro-kacay qalalaasaha iyo dagaallada ka aloosan waddanka Yemen oo ay qaarkood muddo dheer degganaayeen, ay shalay soo gaadheen magaalada Boosaaso, isla markaana qaarkood xanuunsanayaan oo loo fidiyey gurmad caafimaad.

[gallery columns="4" ids="17844,17843,17842,17841"]

Soomaalidan Qaxoontiga ah oo tiradoodu dhan tahay 90 qof oo isugu jira Dumar, Carruur, Dhalinyaro iyo Dad Waayeel ah, ayaa Xeebaha dalka dagaallada sokeeye hadheeyeen ee Yemen kaga soo baxay Doon, taasoo ay ku soo gaadheen Dekedda magaalada Boosaaso, halkaasoo ay Masuuliyiinta Dekedda iyo Gobolku ku qaabbileen Dadkaas soo barakacay.
“Maanta (shalay) waxa noo timi Doontii u horreysay, kuwaasoo tiradoodu ahayd guud ahaan 90 qof, 28 Rag ah, 31 Dumar ah, 31 Carruur ah, dadkaas 16 ka mid ahi waxay isla markiiba codsadeen inay u gudbaan Koonfurta Soomaaliya, Magaalada Muqdisho iyo meelaha u dhaw, waxaanay Hay’adaha ka codsadeen inay ka caawiyaan socdaalka ay ku gaadhayaan Muqdisho. Lix qof oo dadkan ka tirsan ayaa xanuunsanaya oo Cusbitaalka la geeyey, kuwaasoo daawayni u socoto.” Sidaa waxa Madaxa Hay’adda IOM ee Xafiiska Puntland Ismaaciil Siciid Cali oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA markii ay Qaxoontigaas qaabbileen ka dib.

[gallery columns="4" ids="17840,17838,17837,17836"]

Qaar ka mid ah dadka dagaallada Yemen ka socda ka soo qaxay, ayaa Idaacadda VOA uga warramay xaaladdooda nololeed, duruufta soo qixisay, dhibaatooyinka ku xeeran iyo siday Boosaaso ku soo gaadheen-ba. Waxaana dadkaas oo qaxay ka tirsan Siddeed Carruur ah oo yar-yar oo Hooyadood Yemen ku hadhay, Aabbohoodna Muqdisho joogo, waxaana waday Wiil ay ehel yihiin, kaasoo sheegay in Hooyadii 8-da Carruurta ah dhalay uga hadhay si ay u bixiso lacagta ay ku soo qaxeen oo deyn ama amaah ahayd.
Waxay dadkan qaarkood sheegeen in Soomaali badani ku dhibaataysan tahay waddanka Yemen, iyadoo aan la oggoleyn dadka Ajaanibka ah ee dalkaas dagaalladu ku qabsadeen inay ka baxaan dalka, balse ciddii sharci ku joogay ay suuragal u tahay ka soo bixitaanka Xeebaha Yemen, inkasta oo ay Cirka iyo Badda dalka Yemen laga xayiray dhaqdhaqaaqa Gaadiidka tan iyo markii uu Sucuudigu Arbacadii hore Duqaynta ka dhanka ah Xuutiyiinta diyaaradihiisu ka bilaabeen Yemen.
“Haddii Soomaali la aqoonsado inay iska daa Bade inay Hawada oggolaadeen in laga duqeeyo Xuutiyiinta oo ay ogaadaan Soomaalida ku nool Yemen oo tiro ahaan u dhiganta dadka ku nool Puntland, lama malayn karo nolosha dadkaas.” Sidaa waxa tidhi mid ka mid ah Hooyooyinka ka soo barakacay Yemen. Waxaanay Soomaalidan qaxoontiga ah intooda badani ka soo baxeen magaalada Sanca ee dalka Yemen oo ka mid ah deegaannada sida wayn Sucuudigu duqaynta uga geystay.
Dawladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, ayaa isku-afgartay in Soomaalida Qaxoontiga ku ah waddanka Yemen ee dagaalladu ka socdaan ku xanniban wada-jir ay uga soo daad-gureeyaan, isla markaana u qixiyaan gudaha dalkooda Soomaaliya oo ay markii horeba intooda badani ka baro-kaceen.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment