Thursday, April 2, 2015

Waftigii Uu Hoggaaminayey Wasiir Xirsi Oo Maanta Dalka Dib ugu Soo Noqday iyo Soo Dhaweyn Loogu Sameeyey Garoonka Cigaal International Airport

waricHargeysa:April,02,2015(Himilo)-Waftigii uu Hoggaaminayey Wasiirka Madaxtoyada somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ee booqashada ku joogay Dalka Britain, ayaa Maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxana lagu soo dhaweeyey Garoonka Cigaal Internatioanl Airport.

Waftigan oo Jaaliyadda Reer Somaliland ee Magaalada Cardif kala qaybgalay           Munaasibdda ictiraafkii Golaha Degaanka Cardif u sameeyeen Somaliland, ayaa sidoo kale socdaallo kusoo maray Gobollo kamid ah Dalweynaha Britain, waxana ay maanta ka Hadleen Goobahaas ay socdaallada kusoo mareen.

Wasiir Xirsi oo ugu horrayn Halkaas ka Hadlay ayaa faahfaahin ka Bixiyey Safarka ay waddanka kaga maqnaayeen,

“Socdaalkayagii Hadaan soo ururiyo waxaan u tagnay dadka reer Uk gaar ahaan Magaalada Cardiff. Runtii waxa ay ahayd Muqaal aad u fiican oo ay sameeyeen Golaha deegaanka Cardiff oo rajo galinaysa Dadka Reer Somaliland sidaanu marar hore u sheegnay wadada yari waddada weyn ayey kugu ridaa oo tani waa wadaddii aynu Citiraafka u maraynay Waxaanu Si Gaara ugu mahadnaqaynaa Dadka Reer Somaliland Ee ku dhaqan Magaalda Cardiff oo xil iska saaray sidii ay qadiyada somaliland uga dhaadhicin lahayeen iyo Waliba inta ku howlan.” Ayuu yidhi Wasiir Xirsi.

Sidoo kale Waxa halkaasi isna dhankiisa hadalo ka soo jeediyay Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, waxana uu ku dheeraaday soo dhaaweyno ay jaaliyadaha reer somaliland ee Meelaha ay tageen u sameeyeen, waxana uu xusay inay Jaaliyadda Reer Somaliland ee Cardif yihiin qaar ku-dayasho mudan.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment