Thursday, April 2, 2015

“Mashaariicda Hay’aduhu ka fuliyaan dalka Somaliland dhammaantood waxay ku soo qaataan magaca Soomaaliya, markaa ayey…”Wareysi Gaar ah

Wareysi Gaar ah: Wasiirka Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire

Somaliland oo faahfaahin ka bixisay mashaariicda ay ogol yihiin in laga fuliyo dalka iyo kuwa aanay ogolayn iyo sababaha keenay

Hargeysa, 02 April, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa faahfaahin ka bixisay noocyada mashaariic ay oggol yihiin in Hay’adaha gargaarku ka fuliyaan dalka iyo kuwa ay mamnuuc tahay in laga fuliyo. Waxaanay shaacisay in Mashaariicda inta badan Hay’adu soo qaataan lagu soo qaado magaca Soomaaliya, balse hadda laga bilaabo aanay aqbali doonin in wax magaca Soomaaliya lagu soo qaaday oo dawladda Federaalka soo maray laga fuliyo Somaliland.
LOLOLWasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa shaaca ka qaaday inaanay marnaba aqbalayn in mashaariic dhaqaalahooda la soo mariyo Xukuumadda Soomaaliya laga fuliyo Somaliland, maaddaama taasi ka hor-imanayso mawqifkii Shacabka Somaliland ugu codeeyeen madax-bannaanida dalkooda.
Dr. Sacad Cali Shire oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey sida ay u arkaan in Hay’ado gargaar oo Xafiisyo ku leh Soomaaliya ka fuliyaan dalka Somaliland mashaariic ku magacaaban Soomaaliya, ayaa sheegay in guud ahaan mashaariicda kala duwan ee laga fuliyo dalka dhammaantood lagu soo qaado magaca Soomaaliya, maaddaama aan weli caalamku aqoonsan Somaliland, waxaanu yidhi; “Mashaariicda Hay’aduhu ka fuliyaan dalka dhammaantood waxay ku soo qaataan magaca Soomaaliya, markaa ayey qeybta Somaliland loogu talo-galay ka fuliyaan halkan.”
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay maaddaama aan Somaliland ictiraaf haysan, mashaariicda laga fuliyo dalka intooda badan lagu soo bixiyo magaca Soomaaliya, marka laga reebo kuwa tooska loo siiyo sida mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland. “Somaliland marnaba ma aqbali doonto in laga fuliyo dalka mashaariic dhaqaalahooda la soo mariyey dawladda Soomaaliya, maaddaama, taasi ka hor-imanayso mawqifkii shacabku ugu codeeyeen madax-bannaanida Somaliland, una muuqanayso dawarsi.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Qorshaynta Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment