Garisa:April02,2015(Himilo)-Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo weerar qorshaysan oo Al-shabaab saaka aroortii hore ku qaaday Jaamacadda Garisa, University, ayaa sheegaya in dagaal qadhaadhi halkaas ka socdo, isla-markaana Kooxda Goobta qabsatay sii daayeen Tiro arday ahayd oo Muslim ahayd.Wararku waxa ay sheegayaan in sidoo kale Arday kale oo tiro badani siyaabo kala duwan looga soo badbaadiyey Kooxda Goobta haysta, iyadoo Ciidamo badani Goobtaas gaadheen, isla-markaana dagaal kula jiraan Kooxda weerarka qaadday.
Dhimashada, ayaa ilaa iyo haatan lagu sheegayaa inay gaadhayso 17-qof oo ubadan Askar, Arday iyo Macalimiintii Jaamacadda, waxana sdio kale jira dhaawacyo 70 lagu sheegay oo dadkaas soo gaadhay.
Ardayda waxaa qaarkood halkaasi laga soo saaray iyagoo dareen baqdin leh laga dheehan karo, bacdamaa ay rasaasta bilaabatay iyagoo marxalad caadi ah isaga sugnaa.
Booliska Kenya waxay sheegeen in Dhismaha Jaamacadda Garissa laga soo daad gureeyay ugu yaraan 50 ka mid ah ardayda Jaamacadda wax ka barata.
Xoogagan oo iska caabin kala kulmaya Ciidamada Kenya, ayaa waxaa Jaamacadda laga dhex maqlaya qaraxyo iyo rasaas xoog leh. Xilligii Jaamacadda la weerarayay waxaa ku sugnaa arday.
Afhayeenka Ciidamada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in Ciidamada Al Shabaab ay ka dhex dagaalamayan Jaamacadda Magaalada Garissa.
Afhayeenka oo la hadlay Idaacada Andalus oo ku hadasha afka Ururka Al Shabaab, ayaa ku waramaya in weerarkasi uu ahaa mid qorsheysan, dibna ay ka soo faah faahin doonaan.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment