Wednesday, May 6, 2015

Madaxda Dhaqanka Beelaha Ciidagale oo Xukuumadda ugu baaqay inay faro-gelinta ka dayso Beesha iyo Dhulka Masallaha, Soona dhisaya Guddi Cusub oo Metesha

Hargeysa, 06 May, 2015-(Himilo)- Salaaddiinta, Cuqaasha iyo Waxgaradka Beelweynta CIIDAGALE oo uu hoggaaminayo Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Shir Jaraa’id oo ay xalay ku qabteen magaalada Hargeysa waxay si wada-jira ugu shaaciyeen inay gebi ahaan-ba kala direen Guddiga horumarinta Beesha Ciidagale oo ay sharci u tahay sidii ay hore-ba u kala direen, isla markaana ay shir beeshu yeelan doonto bishan gudaheeda lagu soo dhisi doono Guddi cusub oo ay beeshu yeelan doonto.
WWWWWSalaaddiinta iyo Cuqaasha Ciidagale waxay si wada-jira Xukuumadda ugu baaqeen inaanay Guddiga hore wax kalsooni ah ka haysannin Beesha, Xukuumadda Somaliland ay la shaqeyso Guddiga cusub ee ay Beeshu soo dhisi doonto. Waxa kale oo ay Xukuumadda uga digeen inay farogelinta ka dayso arrimaha dhulka Masalaha haddii kale ay keeni doonto arrimo cawaaqib xumo keena.
Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi; “Waxaan ka cudur-daaranayaa Shir-Saxafadeed aan saaka (shalay) qabannay, arrinta uu ka dhawaajiyay Suldaan GALAAL, kumaanaan wada soconnin… Anigu waxaan ka hadlayay arrinka Guurtida oo Gole Qaran ayuu ahaa, waxaana Golaha Guurtida Somaliland soo xulay Madax-dhaqameedka Somaliland oo soo miidhay Guurtidii berigaa ahayd 82-ka ee lagu soo magacaabay shirkii Cadaroosh, waxaana maanta ka nool ilaa toddoba qof, ninkasta oo geeriyooday oo ka tirsanaa odayaasha waxa Booskiisi galay ama buuxiyay inankiisi ama walaalkii, Golahaasi Golle dhaqameed (Guurtida) sidaa ku noqon-maayo, umaddana waa Golle u dhaartay. Beeshuna waxay (CIIDAGALE) ballan la leedahay Madaxweynaha inay berito (Arbaca) oo mowqif cad Madaxweynaha halkaasi uga dhiibto, taasina waxa weeye in arrinkaa loo tix-geliyo waxay ula tagi doonaan Madaxweynaha.”
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa sheegay inuu kala direy Guddiga Beesha Ciidagale, isaga oo arimaas ka hadlayana waxa uu yidhi; “Qoladan Saaka (shalay) ka dhawaajisay Guddiga Beesha Ciidagale, dhawaaqan ciddii nama eryi karto, waxaan leeyahay marka horeba muddo-kordhin anigaa idiin sameeyey oo mudda idiin kordhiyay, taasoo ay keentay baahiyi, wakhtigu marka horeba wuu idinka taagnaa. Muddo-kordhintaydii waad aqbasheen markaa hore, kala dirkayga waxaad ku diidan tihiin way cadaan doontaa taasi, oo Shirweynaha Beesha Ciidagale ayaa caddeyn doona.” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir
Sidoo Kale, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir waxa uu la dar-daarmay Beel-weynta Ciidagale, waxaanu yidhi; “Waxaanan leeyahay haddii ay Beeshu (CIIDAGALE) kala danbeyn weydo oo ay is-dhexyaacdo wax wanaagi meesha ka dhalan maayo, ummudda reer Somaliland-na waxaan leeyahay hadalladaa Telefiishannada ka baxayana annagu waxaannu kaga kalsoonahay marka la is horyimaaddo, nin aad u yeedhayso oo aan ku imanayn Guddi ma ku noqon karaa? Taasi waa maya. Ninkasta oo Guddida ku jirey markay beeshu dalbato hadduu hor-iman waayo isagaa wuxuu ku diiday og. Laakin, Guddi walba amarkeeda cid-uun-baa haysa, ama marka ay magacowdo, iyada uun-baa u yeedhan karta, ama dadweynaha ay matalayeen (Guddida Ciidagale) ayaa u yeedhi kara? Taasina waxay noqotay mid dheg la isku dhigi-waayo.”
“Bulshada reer Somaliland waxaan ka raali-gelinayaa khilaafka beesha Ciidagale dhexgalay, waanu xalin doona, taasna waxaan leeyahay xukuumadda, Warbaahinta ha laga ilaaliyo, ciddii aan u fasaxno mooyee, cidda kale, Golaha Xukuumadda ee Saxaafadda gacanta ku haysa ayaan sheegayaa. Mana Jecli Wasiirada Beesha (CIIDAGALE), ee ku jira Xukuumadda inay iyagu xarfad meesha ka sameeyaan.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed.
Waxaanu intaas ku sii daray; “Madaxweyne waxaad ku dhawaaqday Xil-ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sarre, Qaranka Somaliland waxa uu ka kooban yahay saddex dhadhaar, oo kala ah Golaha fulinta, Golaha Sharci-dejinta iyo Golaha Garsoorka tabashadii beelaha Samaroon hore ayaad wax uga qabatay, waxaan kaa codsanayaa in Beelaha Bariga Somaliland iyaga maanta aad xilkaasi Guddoomiyaha Maxkamada Sare aad siiso,…waayo jiritaanka iyo caddaalada Somaliland ayay ku dhisan tahay taasi.”
Boqor Raabi Yuusuf Xiiray oo isna halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi; “Sidaa Suldaanku yidhi Beeshu (Ciidagale) Shir ay isugu timi oo toddobaadkan-ba u socday waxay ku go’aansatay oo ay danaheeda kaga tashatay, Saddexdii Qodob ee aan hore Saxaafadda uga baahinay ayay ku tashatay Beeshu. Waxaannu aad iyo aad uga xunnahay inay dawladdu faro-fareyn ku sameyso beesha Ciidagale dhexdeeda, Ragga doonaya inay beesha kala dilaan ama wakhtigoodu dhammaaday ee doca-doceynta wada ka daaya baannu leenahay.”
“Beeshu ardaayo ayay ka kooban tahay, ardaayo ayaanay cidiba ka joogin nimanka Guddiga Sheeganaya, Guddigu sidii aannu u kala dirnay-bay sharci ku tahay, mana sheegan karaan dawladdana waxaan uga digaynaa inaanay kalsooni u haysan wax talo ah iyo wax beesha dhexdeeda ah, haddii aannu ku aragno dawladda iyada ayaa ka masuula wixii ka yimaadda. Agaasimayaasha iyo Wasiirrada Beesha Ciidagale waxaan leenahay faraha ka qaada. Waxaan leeyahay oo aan ku talinayaa ha laga dhex-baxo reerka gudihiisa. Qaddiyaddii dhulka sidii aan hore uga hadalnay ayay ansax ku tahay.”
“Ducadii shirka Ciidagale waxay qabsoomaysa bishan aynu ku jirno tobbankeeda ayuu qabsoomayaa oo Somaliland oodhamina way ka soo qeybgalaysa, oo cid-walba waanu ku soo dhaweynaynaa, nabadgelyo ayaanu ka talinaynaa, nabadgelyo ayaan doonaynaa ee ha nalaga daayo faro-fareynta”. ayuu yidhi. Boqor Raabi.
Suldaan Axmed oo isna halkaasi ka hadlay, waxa uu yidhi; “Maalintii hore shirkii aannu halkan ku qabannay Beeshu way u dhammayd, waxa muuqata in la faro-fareeyey oo shakhsiyaad inba meel lagula faqayo, Salaaddiintu ka mid tahay Cuqaashu ka mid tahay, dad la kala jiid-jiidanayo, waxaan mar labaad ku celinayaa saddexdii qodob ee Go’aanka beesha Ciidagale inuu sidiisi sharci u yahay, in Guddigii guud sida uu Suldaanku Sheegay la kala direy, Guddi guud oo Xeerka iyo nidaamka beesha waafaqsanna la soo dhisayo, taasi sidaas ayay ansax ku tahay, Guddiga la kala direyna waxaan leeyahay sida tolkiin ku shiray waa inaad ku qanacdaan.”
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland

No comments:

Post a Comment