Muqdisho, 06 May, 2016-(Himilo)- Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry iyo Wefti uu hoggaaminayo oo duhurnimadii Salaasada ee shalay gaadhay magaalada Muqdisho, ayaa kulammo la yeeshay Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar Cabdirashiid, waxaanu sidoo kale kulammo gaar ah la yeeshay Madaxweynayaasha Maamul-goboleedyada Soomaaliya qaarkood.

Sidoo kale, Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanku waxa uu kulammo la qaatay hoggaamiyeyaasha Maamul-goboleedyada Soomaaliya ee Puntland, Jubbaland iyo Koonfur-galbeed Soomaaliya, oo kala ah Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Axmed Maxamed Islaan (Axmed-Madoobe) iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan, isagoo kala hadlay amniga iyo sidii horumarin loo gaadhsiin lahaa Maamullada ay hoggaamiyaan.
“Aad baan ugu faraxsanahay inaan Soomaaliya imaaddo, Soomaaliyana horumar ayaan u rejeynaynaa inay mustaqbalka dhaw gaadho. Way ii muuqdaan in horumar badani ka socdo Soomaaliya oo ay dadku diyaar u yihiin inay wax qabsadaan.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka John Kerry.
Xoghayaha arrimaha arrimaha dibedda dalka Mareykanka oo sidoo kale kulamo la qaatay xubno ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegay inaanay Maraykanku ka jeedsan doonin Soomaaliya illaa inta ay Al-Shabaab dalka oo dhan laga cidhib-tirayo. Waxaanu ballan-qaaday in Safaaraddii ay dawladda Maraykanku ku lahaan jirtay Muqdisho dib u furi doonaan, si xidhiidhka Soomaaliya iyo Maraykanka loo xoojiyo, isla markaana taageero joogto ah Maraykanku u siin doono Shacabka iyo dawladda Soomaaliya.
John Kerry ayaa kulammada uu la qaatay Madaxda dawladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada Soomaaliya, ayaa ahaa kuwo ay albaabbadu u xidhnaayeen, iyadoo markii uu kulammada Madaxda Soomaaliya dhammaatay uu la kulmay Saraakiisha hawlgalka Midawga Afrika ee AMISOM, ugana mahad-celiyay hawlgalka ay Soomaaliya ka waddaan iyo dagaalladii ay Al-shabaab kaga saareen deegaanno badan oo dalka Soomaaliya ka tirsan.
Wuxuu sheegay in wada-shaqeynta dowladda dhexe iyo maamullada gobollada u dhaxeeyaa tahay mid dhiirrigelin leh oo suurtagelin kara horumarka uu hiigsanayo waddanku. Sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay go’aanka dawladda Soomaaliya ee ah in doorasho ay waddanka ka dhacdo 2016-ka, iyo waliba dedaallada socda ee lagu dhammeystirayo Guddiyada iyo hawlaha muhiimka u ah in la gaadho sannadka 2016.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa Xafiiska mar uu kula hadlayay Warbaahinta waxa uu booqasho taariikhi ah ku tilmaamay imaatinka Kerry ee Soomaaliya, isagoo sheegay in qodobo muhiim u ah waddanka ay isla soo qaateen. Sidoo kale, Madaxweynaha, ayaa sheegay in dhanka amnigu Soomaaliya ka gaadhay guulo saacidaya in marka la gaadho 2016-ka ay dalka ka qabsoonto doorasho xor ah, waxa uu wax weyn ku tilmaamay Madaxweyne Xasan Sheekh codka Madaxda sare ee dawladda iyo hoggaamiyeyaasha Maamulladu midaysnaado, wax badanna u kordhin kara dalka iyo dadka Soomaaliya.
John Kerry, ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya ay ka taageerayaan dhismaha Ciidammada tabobbarro iyo taageero kale oo ay ku caawinayso Ciidanka la-dagaallanka argaggixisada iyo guud ahaan taageero dhanka Siyaasadda ah. Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, ayaa sheegay in qaxoontiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha Dhadhaab ee Kenya ay xaq u leeyihiin inay helaan nolol wanaagsan oo ay guryahooda ku soo laabtaan dawladda Mareykanku inay taageero ku bixin doonto arrintaas.
Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka Mr. John Kerry, ayaa noqonaya Wasiir arrimo dibedeedkii Mareykanka ah ee Soomaaliya yimaadda, sidoo kale wuxuu noqonayaa Mas'uulkii labaad ee ugu sarreeyay oo Soomaaliya yimaaddo tan iyo markii ay Soomaaliya gashay colaadaha sokeeye, iyadoo uu Soomaaliya booqasho ku yimid Madaxweynihii hore ee Mareykanka George Bush oo sannadihii sagaashameeyadii xilli ay abaaro darani ka jireen.
Isla shalay gelinkii dambe, ayey John Kerry iyo Weftigiisu ka dhoofeen Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaalada Muqdisho, iyagoo ku sugnaa Muqdisho muddo saacado ah, waxaanay ka mid tahay booqashada Kerry booqashooyin uu ku marayay dalalka Geeska Afrika sida Kenya oo uu shalay gaadhay, isla markaana Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Mucaaradka Kenya kula kulmay, waxaanu sidoo kale booqashadiisan ku tegayaa magaalada Jabuuti ee Caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu Masuuliyiinta dalkaas kulammo kula qaadan doono, sidoo kalena uu booqan doono Saldhigga Millateriga Maraykanku ku leeyahay Jabuuti oo ah ka ugu weyn ee Millateri ee Maraykanku ku leeyahay Geeska Afrika.
Himilomedia.com
Hargeysa-somaliland
No comments:
Post a Comment