Sunday, May 24, 2015

Maxaa ka jira in Xukuumadda Somaliland ka war-wareegayso Qorshe Dowladda Itoobiya ugu soo bandhigtay Maal-gelinta Dekedda Berbera

Magacaabis la’aanta Safiirka Somaliland ee Itoobiya iyo Baaqashada Shirka Guddiyo Wasiirro ah oo lagu xidhiidhiyey Xidhiidhka labada dal oo sii daciifaya

Hargeysa, 24 May, 2015 (Himilo)- Xukuumada Itoobiya ayaa la sheegayaa inay u heshay maalgelin-dibadeed oo gaadhday 2 Milan oo Dollar u heshay casriyeynta dekeda Berbera, xilli xukuumada Somaliland tahli weyday inay muddo sideed bilood ah magacaabaan wakiil madax ka noqda xafiiska ay ku leedahay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.
sawirka warka koowaadXogo aanu ka helnay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa shaaca ka qaaday in qodobada heshiis iskaashi dhinacyo kala duwan leh oo labada wadan la qorshaynayo inay kala saxeexdaan ku jirto dhaqaale gaadhaya laba bilyan doolar oo lagu casriyeynayo dekedda Berbera ka heshay wadamo dibadeed, inkastoo kulan loogu ballansanaa inuu ku qabsoomo shirkaasi Hargeysa bishii January, ka baaqday dhinaca Somaliland.
Sidoo kale xukuumada Itoobiya ayaa la sheegay inay weli jawaab ka sugayaan qoraal safiirkooda u fadhiya Somaliland Brig Gen. Berhe Tesfaye ugu gudbiyey wasiirka Arrimaha Dibedda Somliland Maxamed Biixi Yoonis kaga dalbanayo inay diyaar u yihiin martigelinta kulan gudiyadda farsamo ee labada wadan u ballansan yhiin badhtamaha bisha June.
Xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland oo isbedel muuqda ku yimi markii xukuumada Madaxweyne Siilanyo xilka qabatay ayaa dadka falanqeeya arrimaha dublamaasiyadu u arkaan inay qayb ka tahay magacaabis la’aanta safiirka Itoobiya u fadhisa Somaliland oo muddo siddeed bilood ah oo booskaasi bannaan yahay, iyada oo uu xilka sii hayo ku-xigeenkii safaaradda, halka wadamadda jabuuti iyo Kenya oo xarumo aan ku lahayn dalka markii lixaad loo magacaabay wakiilo Somaliland metalaya.
Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland oo wargeyska Himilo isku deyey inuu wax ka weydiiyo caqabadaha hortaagan magacaabistii wakiilka Somaliland ee Itoobiya, muddo sided bilood ah, iyo jawaabta qoraalkii safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Brig Gen Berhe Tesfaye la sheegay inuu kaga codsanayey ballanqaadkooda matigelinta kulanka labada wadan u qorshaysan bisha June ayaanay noo suurtoobin, maadama Wasiirka Maxamed Biixi iyo Wasiir-xigeenka Mowliid labaduba socdaalo dibadeed ku maqan yihiin, telefoonadoodana xidhnaayeen.

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment