Hargeysa, 24 May, 2015 (Himilo)- Xukuumada Itoobiya ayaa la sheegayaa inay u heshay maalgelin-dibadeed oo gaadhday 2 Milan oo Dollar u heshay casriyeynta dekeda Berbera, xilli xukuumada Somaliland tahli weyday inay muddo sideed bilood ah magacaabaan wakiil madax ka noqda xafiiska ay ku leedahay caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Sidoo kale xukuumada Itoobiya ayaa la sheegay inay weli jawaab ka sugayaan qoraal safiirkooda u fadhiya Somaliland Brig Gen. Berhe Tesfaye ugu gudbiyey wasiirka Arrimaha Dibedda Somliland Maxamed Biixi Yoonis kaga dalbanayo inay diyaar u yihiin martigelinta kulan gudiyadda farsamo ee labada wadan u ballansan yhiin badhtamaha bisha June.
Xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland oo isbedel muuqda ku yimi markii xukuumada Madaxweyne Siilanyo xilka qabatay ayaa dadka falanqeeya arrimaha dublamaasiyadu u arkaan inay qayb ka tahay magacaabis la’aanta safiirka Itoobiya u fadhisa Somaliland oo muddo siddeed bilood ah oo booskaasi bannaan yahay, iyada oo uu xilka sii hayo ku-xigeenkii safaaradda, halka wadamadda jabuuti iyo Kenya oo xarumo aan ku lahayn dalka markii lixaad loo magacaabay wakiilo Somaliland metalaya.
Dhinaca kale masuuliyiinta wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland oo wargeyska Himilo isku deyey inuu wax ka weydiiyo caqabadaha hortaagan magacaabistii wakiilka Somaliland ee Itoobiya, muddo sided bilood ah, iyo jawaabta qoraalkii safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland Brig Gen Berhe Tesfaye la sheegay inuu kaga codsanayey ballanqaadkooda matigelinta kulanka labada wadan u qorshaysan bisha June ayaanay noo suurtoobin, maadama Wasiirka Maxamed Biixi iyo Wasiir-xigeenka Mowliid labaduba socdaalo dibadeed ku maqan yihiin, telefoonadoodana xidhnaayeen.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment