
Munaasibadda furitaanka Hudheelkan oo xalay lagu qabtay halkaasi, waxa ka soo qayb-galay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Ganacsato, Madax-dhaqameedyo, Culimo-awdiin iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.
Sheekh Caydiid Ibraahim Nuux oo ah Maamulaha Hudheelkan Niile oo hadal ka jeediyay Xafladda furitaanka, ayaa ka warbixiyey qaybaha uu ka koobanyahay iyo adeegyada Hudheelkani bixinayo, waxaanu tilmaamay inay Macaamiishooda ugu talo-galeen Adeegyo isugu jira Hudheel hurdo iyo dhammaan qaybihii kale ee aasaasiga ahaa ee laga adeeganayay.
“Hudheelkani waxa uu ka koobanyahay qayb hurdo ah oo ah 70 (toddobaatan) qol ama Maqsin oo loo dhisay si casriya. Laba dukaan oo Super Market ah, Makhaayad laga cunteeyo iyo qayb Macmacaanka iyo Cuntooyinka fudud ah (Cafeteria).” ayuu yidhi Caydiid Ibraahim Nuux, waxaanu intaasi ku daray; “Waxa kale oo aannu Inshalahu ka qayb-qaadan doonaa horumarka iyo Dhaqaalaha Dalka. Wuxuu soo kordhinayaa suuq cusub, Shaqo abuuris iyo adeegyo hufan oo ay dadku si hagar la’aana uga heli doonaan.”
Eng. Siciid oo ah Masuulka Shirkadda dhidibbada u taagtay Dhismahan Suuqa Niil laga furay oo halkaas ka hadlay, ayaa isna dhankiisa ka warbixiyey Maraaxilkii uu soo maray dhismaha Hudheelku, qaabka naqshadiisa iyo qaybaha uu ka koobanyahay. Waxa kale oo uu sheegay in Dhismaha Hudheelkani yahay Waqfi loogu talo-galay in lagu Kabo Jaamacad ku taala Markiska Tabliiqiyiinta oo lagu barto Culuumta Islaamka, taasoo ka mida Jaamacadaha Islaamiga ah ee dalka ka furan, magaceedana la yidhaahdo; ‘Shamsu Culuum’.
“Dhismaha Hudheelka waxa soo sameeyay Nin Hindiya oo Nairobi degen. Annaguna tii ayuunbaanu sideedii u raacnay. Qaybta Hurdadu waxay ka koobantahay guri oo Qoys loogu talo-galay, oo dadka xaasaska ah ama qoysasku ku degi karaan” ayuu yidhi Eng. Siciid.
Suldaan Axmed Daahir Muuse oo ka mida Madax-dhaqameedka Somaliland, oo xafladdaa hadal ka jeediyey, ayaa ku dheeraaday qiimaha Ganacsiga noocan ahi u leeyahay Mujtamaca, isla markaana ugu duceeyay Mulkileyaasha Hudheelka inuu alle uga yeello bogcad Khayriya oo ay ka faa’idaan. “Hudheelkani qiimaha uu leeyahay waxaad ka garanaysaa Magaca loo bixiyey oo ah Niile. Webiga Nile ee loogu magac daray wuxuu waraabiyaa Masar oo dhan. Hudheelkana waxaan alle uga baryaynaa inuu noqdo mid Somaliland oo dhami ku soo hirato”.ayuu yidhi Suldan Axmed.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland Xasan Maxamed Aadan, oo halkaa ka hadlay, ayaa bogaadiyey Ganacsatada Maal-gashigan hir-geliyey, isla markaana ku hambalyeeyey Isha Dhaqaale ee ay dalkooda ku soo kordhiyeen, waxaanu yidhi; “Waan u ducaynaynaa Culimada Hudheelkan aasaasay. Waxaanan ku hambalyeynayaa dhaqaalaha ay dalkooda u soo kordhiyeen.”
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo gebagabadii Munaasibadda xadhigga ka jaray Hudheelkan cusub ee la furay, ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo Mashruucan ganacsi ee la daah-furay. Wasiirka ayaa sidoo kale ka warramay sida ay Diintu u kor yeeshay Ganacsiga ku dhisan Waqfiga, waxaanu ugu baaqay Ganacsatada waddanka inay Ganacsigooda ku kabaan ka qayb-qaadashada adeegyada Aasaasiga ah iyo horumarinta Bulsahda.
“Ganacsatooy, Baayac mushtarkiina ku dara Waqfi oo wax la baxa, Ganacsigu wuxuu ku kobcaa wax bixinta.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil. Waxaanu u Mahad-naqay Ganacsadaha ku deeqay Dhismahan Waqfiga ah ee lagu kabayo Jaamacadda, isagoo dhanka kalena bogaadiyay Ganacsatada Hudheelka ka furtay oo uu Allaah uga baryey inuu wax khayr qaba ka siiyo.
Ugu dambeyn waxa gunnaanadkii Munaasibaddaas waxa uu Maamulka Hudheelku, Casho-sharaf loogu talo-galay ku maamuusay guud ahaanba Madaxda, Masuuliyiinta, Marti-sharafta iyo dadweynaha ka qayb-galay Munaasibaddaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment