Xaaxi, 16 May, 2015-(Himilo)- Gabadh 17 Jir ah ayaa geeriyootay, lix kale oo ay isku qoys yihiinna waxa loola cararay Cusbitaal, ka dib markii ay sumoobeen. Qoyskan Sumoobay, ayaa degganaa Miyiga deegaanka Xaaxi oo ka tirsan degmada Oodweyne ee xarunta gobolka Daad-madheedh, iyadoo dadkaas loola cararay Cusbitaalka Oodweyne.
Dadkan dhammaantood isku qoyska ah ee toddobada ruux ka kooban, ayaa mar qudha soo wada dhacay, isla markaana la dareemay inay sumoobeen, balse waxa loola soo cararay Cusbitaalka magaalada Oodweyne oo gargaar caafimaad loogu fidiyey, halkaas oo ay ku geeriyooday Gabadha 17-jirka ah oo ugu weynayd Carruurta qoyskaas, sida uu Aabbaha qoyskaasi u xaqiijiyey Barnaamijka Jimcaha ee Radio Hirad.
Lixda qof ee kale oo uu ku jiro Aabbaha Qoyskaas oo ka mid ah dadka Sumoobay, oo xaaladdiisu ka soo raynayso, ka dib markii isaga iyo Carruurta uu dhalay-ba Oodweyne looga sii qaaday Cusbitaalka guud ee magaalada Burco, halkaasoo gargaar caafimaad loogu fidiyey, waxaanu Radio Hirad uga warramay sida ay wax u heleen Qoyskaas.
“Qof kastaa markii aannu kala dareeraynay ee illaa siddeeddii subaxnimo ayuu qof weliba yidhi; ‘Calooshaa I xanuunaysa’ dabadeedna kuwii Xoolaha raacayey way raaceen, intii guriga ku soo hadhaysayna way soo hadhay. Markaa, markii la kala ambabaxay ayuun buu qof-ba meel ku dhacay oo Matag iyo Shuban qof weliba sii daayey. Qof cidla laga soo qaado, qof la soo luudiyo iyo qof guriga ku dhacay-ba waa nala soo ururiyey oo Gurigaa la isugu kaayo keenay oo nalaga soo qaaday.” Sidaa ayuu yidhi Aabbaha Qoyskaas sumoobay.
Dhakhaatiirta Cusbitaalka guud ee magaalada Burco oo uu la xidhiidhay Sadiiq Maxamed Burmad oo ka tirsan Hirad, ayaa waxay sheegeen in xilligan xaaladda Caafimaad ee Lixda qof ee Sumoobay ay fiican tahay, inkasta oo ay ku doodeen inaanay garanaynin nooca suntan rasmiga ah ee dadkaasi ku sumoobeen, haddana ay filayaan inay Biyo Sumaysan cabbeen, ka dibna ay ku sumoobeen.
Inkasta oo Dhakhaatiirta Cusbitaallada magaalooyinka Oodweyne iyo Burco baadhitaan caafimaad loogu sameeyey Qoyskaas sumoobay ee Gabadhii ugu roonayd Carruurta qoyskaas ay u geeriyootay Suntaas, haddana sida ay sheegeen Dhakhaatiirtaasi weli kumay guulaysan inay baadhitaannadaas ku ogaadaan nooca suntan ay ku sumoobeen, balse waxay ku guulaysteen inay caddeeyeen in ay Sumoobeen Qoyskaasi, isla markaana u filayaan inay Biyo Sumaysan Cabbeen toddobadaas qof ee halka qof u geeriyooday Suntaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment