Wednesday, June 10, 2015

Baki: Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay Hub Shaki badan abuuray, Maamulka Awdal iyo Odayaal siyaabo kala duwan uga hadlay

Boorama, 10 June, 2015 (Himilo)- Ciidamada Ammaanka Somaliland, ayaa degmada Baki ee gobolka Awdal ku qab-qabtay hub waaweyn iyo walxaha qaraxyada loo adeegsado, iyadoo ciidamada ammaanku masuuliyadda hubkaas u qab-qabtaan shakhsiyaad aan la shaacin ciidda ay yihiin.

Hubka oo guddoomiyaha Gobolku shalay soo bandhigay, ayaa isugu jira Hoobiyeyaal, Rasaas tiro badan, Miinooyinka gaadiidka iyo walxo kale oo qaraxyada loo adeegysado, ayaa ciidamada Booliska ee gobolka Awdal ka soo qab-qabteen gudaha degmada Baki ee gobolkaas, waxaana lagu tilmaamay hub khatar ku ah ammaanka Somaliland iyo dalalka deriska, sida uu sheegay badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax).

Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan (Ramaax) oo shalay warbaahinta u soo bandhigay hubkan, ma sheegin goobta la ga soo qabtay iyo cidda ka dambaysay toona, balse waxa uu carrabaabay baadhis socota oo ciidamada ammaanku ku daba-joogaan ciddii ka dambaysay.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen dad loo tuhmay inay masuul ka ahaayeen Hubka, isla markaana ay socoto baadhis lagu raad-joogo ciddii iska lahayd hubka.

“Waxaan u mahad-naqayaa ciidamada Booliska oo ka hawl-galay hawshan aan arkaynayo oo khatar u ah nabadgelyada Somaliland iyo dalalka aanu jaarka nahay. Baadhistu way socotaa, cid baa loo hayaa, intii kalena waa lagu daba-jiraa, waxaanan rejaynaynaa in hawl-gallada noocan ahi ay noqdaan qaar lagu guulaysto,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Awdal.

Isaga oo sharraxayey noocyada uu ka kooban yahay hubka sharci-darrada ah ee ciidamadu gacanta ku dhigeen, waxa uu yidhi, “Alaabtani waxay ka kooban tahay Laba Hoobiye, rasaasta hoobiyaha oo tiro badan, baaruudda Hoobiyaha iyo alaab badan oo loo isticmaali karo in wax lagu qarxiyo. Sidaa dareed, waa arrin halis weyn ku ah ammaanka Jamhuuriyadda Somaliland.”

Haseyeeshee, wax-garad iyo odayaasha degmada Baki, ayaa hubka ciidamadu gacanta ku dhigeen ku sheegay hub laysla ogaa meesha uu yaallay, balse ay iyagu gacanta ku hayeen, iyagoo sheegay inaanay jirin cid loo qab-qabtay iyo baadhis socota oo lagu baadi-doonayo ciddii iska lahayd masuuliyaddeeda.

“Waxaan sheegaynaa Hubka lagu soo qabtay Baki inuu ahaa mid ka hadhay dowladdii hore ee burburtay ee Maxamed Siyaad Barre, halkan aanu keenayna dowladda ayaa lahayd. Annagu waxaanu u xafidaynay inaanu ku helno abaal-marin, shaqaalayn, laakiin maanaan filayn intay dowladdu nagu duusho oo intay hubkii soo qaato waliba si kale lanoogu turjumo oo la yidhaahdo waanu daba-soconnaa. Arrinkaasi waxa daba-socod ah iyo wax hor-socod ahna ma leh, Guri dowladeed ayaa lagaga tagay, annagu waanu u ilaalinaynay,” Sidaas waxa yidhi mid ka tirsan Odayaasha degmada Baki oo warbaahinta u warramayey shalay.

Himilomedia

Hargeysa

No comments:

Post a Comment