Hargeysa, 10 June, 2015 (Himilo)- Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ku bogaadiyey Xisbiga dhiggiisa ah ee UCID mowqifkii uu iska taagay khilaafkii ka dhashay muddo-kordhinta golaha Guurtidu u sameeyey xukuumadda iyo dhex-dhexaadnimadii uu ka qaatay ee sababay hehiiskii xisbiyada iyo xukuumaddu ka gaadheen khilaafkaas.
Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa laba mowqif oo kala duwan iska taagay go’aankii muddo-kordhin 22 bilood ah, xilliga doorashada ku riixay badhtamaha sannadka 2017-kii oo golaha Guurtidu u sameeyey xukuumadda iyo Wakiillada, kaas oo xukuumaddu ku adkaysatay, halka xisbiyada mucaaradku ku adkeysteen in doorashada la qabto sannadka badhtamaha sannadka 2016 oo guddiga doorashooyinku u muddeeyeen. Haseyeeshee, wada-hadallo khilaafka lagu xalinayo oo u furmay labada dhinac, ayaa sababay in dhowr jeer lagu kala kaco kaddib markii ay ku kala adkaysteen mowqifyadooda. Balse dhex-dhexaadnimo Xisbiga UCID kaga duwanaaday Xisbiga dhiggiisa ah ee Waddani, ayaa sababay in heshiis meel dhexe laysugu yimi lagu soo af-jaro khilaafka, iyadoo wakhtiga doorashada loo muddeeyey bisha December ee sannadka 2016-ka.
Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Xukuumadda Kulmiye immikana ah siyaasi ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa sheegay inay xisbi ahaan u qirayaan isla markaana ku bogaadinayaan xisbiga UCID doorkii dhex-dhexaadnimo ee uu ka qaatay khilaafkaas, kaas oo uu sheeainuu sahlay heshiiska soo af-jaray murankii siyaasadeed ee muddo-kordhinta.
Maxamed Nuur Carraale oo ka qayb-qaatay dood xaasaasi ah oo telefishanka Star TV u qabtay xukuumadda iyo Xisbiga Mucaaradka, waxa uu ka hadlay go’aankii muddo-kordhinta ee Golaha Guurtida iyo Heshiiskii lagu xaliyey khilaafkii ka dhashay ee dhex-maray Xukuumadda iyo Xisbiga Qaranka.
“Waxa cad in wakhtigii madaxweynuhu dhammaaday, laakiin laba arrimood baa yaala. Arrin waxa weeyi go’aankii Golaha Guurtida oo isaga loo baahan yahay in dib loo eego, midka kalena waxa weyaan wada-tashigii iyo xalkii Xisbiyada mucaaradku soo saareen. Xalka Xisbiyadu soo saareen wuxuu ahaa qadiyaddii Somaliland lagu yaqaannay iyo inay wada-hadal ku xalliso dhibaatada dhexdooda taalla. Heshiiskaa la gaadhay libintiisa waxaan siinayaa Xisbiga UCID, waa Xisbi aanu kala xisbi nahay, waanse qirayaa, sababta aan ugu qirayaa waxa weeyaan, Kulmiye Dacal buu taagnaa, Waddani-na dacal buu taagnaa. Ciddii Xalkaas ka shaqaynaysay wxay ahayd Xisbiga UCID. Heshiiska la gaadhay waxa uu ahaa madaxweynaha muddadiisii waa la kordhiyey, wakhtigii komishanku qabtayna waa la kordhiyey, xalkaasna waanu oggol nahay,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Nuur Carraale (Duur).
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment