Tuesday, June 2, 2015

Bangladesh oo Dacwad ku oogaysa Mulkiilaha Dhisme dumay oo ay ku dhinteen Dad Kun Qof ka badan

Bangladesh, 02 June, 2015 (Himilo)- Dawladda dalka Bangladesh, ayaa dacwad ku soo oogaya Mulkiilaha dhisme lagu magacaabo Rana Plaza, waxaana lagu eedeeyey Masuuliyadda dembi dil ah, ka dib markii in ka badan Kun qof ay ku dhinteen dhismahaasi oo dumay 2013-kii. Waxay ahayd masiibadii ugu xumeyd ee dalkaasi ka dhacday taariikhda Bangladesh.
GURI DAD KUN QOF KA BADAN KU DUMAYWalaaca bad-qabka dhismahaas, ayaa taagnaa ka hor inta aanu dumin, balse jawaab yar, ayaa laga bixiyay. 41 qof oo kale oo ay ka mid yihiin Madaxda dawladda, ayaa dembiyo lagu oogay, waxaana lala xidhiidhinayo dumidda dhismaha iyo masuuliyadda dadkii uu ku dumay ee halkaas ku dhintay.
Dhismaha waxaa ku yaallay dhowr Wershadood oo sameenayay Dharka loo iibgeyn jiray dalalka reer Galbeedka. Saxaafadda dalkaas ka hawlgasha, ayaa sheegaya in eedeyni ay ka dhalatay sida Wershadahaas ay u shaqeynayeen.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment