
War-saxaafadeedka laguma sheegin sababta keentay isbeddelka lagu sameeyey hoggaanka sare ee Xisbiga RPP oo ka mid ah Isbahaysiga talada dalkaas haya ee UMP oo ku guulaystay inta badan kuraasida baarlamaanka Jabuuti doorashadii dalkaas ka dhacday bishii Febuary 2013-dii.
Xoghayaha Guud ee Xisbiga waxa wali ah Ilyaas Muuse Dawaale oo sannadkii 2012-kii xilkaas kala wareegay Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jabuuti Idiris Arnaoudi Cali oo horaantii sannadkan ku geeriyooday Cusbitaal ku yaala waddanka Kenya.
Hoggaanka sare ee Xisbiga RPP oo ka kooban 16 Xubnood, ayaa magacyadooda iyo xilalka loo magacaabay kala yihiin sidan:- “Ismail Omar Guelleh: Madaxweyne, Cadbiqaadir Kaamil Maxamed: Madaxweyne Ku-Xigeen, Ilyaas Muuse Dawaale: Xoghaye Guud, Maxamuud Cali Yuusuf: Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Xidhiidhka Dibadda Iyo Qurbejoogga, Cali Cabdi Faarax : Xoghahaya Arrimaha Siyaasadda Iyo Doorashooyinka Ee Xisbiga, Xasan Cumar Maxamed: Xoghayaha Arrimaha Ammaanka Iyo Difaaca ee Xisbiga, Jaamac Cilmi Cokiye: Xoghayaha Isku-Xidhka Bulshada Iyo Kor-Uqaadista Waddaniyadda, Cali Faarax Casoowe : Xoghayaha Arrimaha Dhaqaalaha Ee Xisbiga, Xuseen Idris Guuleed: Xoghayaha Wacyi-Gelinta Iyo Abaabul Ka-Saarka, Diiriye Xaaji Yuusuf : Xoghayaha Dhalinyarada, Ciyaaraha Iyo Shaqo-Abuurka, Maxamed Cabdalle Mahyuub : Xoghaynta Warfaafinta Iyo Is-Gaadhsiinta, Jaamac Dabar Hufane : Xoghayaha Arrimaha Bulshada Iyo Dhaqanka, Gohar Hamadou Abaide : Xoghayaha Dib-Uhabaynta Iyo Horumarinta Reer Guuraaga,m Saleebaan Daahir Bile : Xoghayaha Maamul-Wanaaga Iyo Ilaalinta Cadaaladda Bulshada, Safiya Cilmi Jibriil: Xoghaynta Maaliyadda Iyo Hiddaha U Qaabilsan Xisbiga, Khadra Cali Siciid: Xoghaynta Arrimaha Qoyska.”
Isbeddelkan ayaa noqonayaa kii ugu ballaadhnaa ee lagu sameeyo hoggaanka Xisbiga Madaxweyne Gelle tan iyo wixii ka dambeeyey doorashadii uu Isbahaysiga UMP ku guulaystay laba sanno ka hor, waxaanay shakhsiyaadk xubnaha ka ahi, marka laga reebo madaxweynaha, ka kooban yihiin siyaasiyiin hore ula soo shaqeeyey Md Geelle iyo qaar wakhtigan ka tirsan Xukuumaddiisa sida Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo ku magacaaban Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga u qaabilsan xidhiidhka dibadda iyo Qurbejoogga.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment