Thursday, June 4, 2015

“Deegaanka waxa ku jira Xubin aan is-odhan karo Wasiirkaba way ka shilistay”

Halkuu ku Dambeeyey Heshiiskii RAYS iyo Kulmiye, Maxaase iska beddelay?

Hargeysa, 04 June, 2015 (Himilo)- Aadan Axmed Cilmi (Aadan-Dhoolayare) oo xil-wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale tiraba laba jeer, xilliganna ka tirsan Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye, ayaa markii u horeysay si faahfaahsan u sharraxay sababtii uu ku kalliftay inuu isu-sharraxo Doorashadii Goleyaasha deegaanka ee dalka qabsoontay dabayaaqada sannadkii 2012-dii.
DHOLAYAREAadan Dhoola-yare, ayaa ka hor diyaar-garowgii doorashada Goleyaasha deegaanka ee xilligaas furtay Urur-siyaasadeed lagu magacaabi jiray Wada-jir oo ku hadhay qiimayntii urur-siyaasadeedyada, balse waxa uu markii dambe ku biiray, guddoomiye ku-xigeennada ka noqday urur-siyaasadeedkii RAYS oo ka qayb-qaatay tartankii doorashada Goleyaasha deegaanka, kaas oo uu isaga sharraxay Golaha Deegaanka ee Hargeysa oo aanu ku guulaysan.
Mr Dhoola-yare waxa uu arrintan kaga hadlay barnaamijka Milicsiga Siyaasiga oo ka baxa telefishanka Universal, kaas oo lagu weydiiyey sababtii ku kalliftay in isaga oo xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii UDUB uu isugu sharraxay Golaha deegaanka Hargeysa.
“Bartilmaameedka aan hiigsanayey wuxuu ahaa inaan markaan ugu yaraado maayar ku-xigeen ka noqdo dowladda Hoose haddaan ku soo bixi waayo maayarka, haddaan soo bixi lahaana waxay u dhici lahayd sida ay maanta tahay. Caalamka markaad eegto, sida Maraykanka oo kale, waxa madaxweyne noqdo nin Badhasaab soo maray. Markaa waligay way igu jirtay inaan magaalada Maayar ka noqdo, waayo waxaan aaminsanahay inay dowladda Hoose tahay aasaas fiican oo aad wax ku gaadhi karto meel ka sarreysa, waayo ninka Maayar ka noqda Caasimad sida Hargeysa oo kale madaxweyne ayuu noqon karaa, waayo Caalamka rag badan oo maayarro soo qabtay, ayaa markii dambe madaxweynayala noqday,” Sidaas ayuu yidhi Aadan Dhoola-yare oo u warramayey Weriye Faysal Fadh-Fadhle.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Markaa aniga hiigsigaygu kaas ayuu ahaa, mana odhan karo Wasiirbaad ahayde maxaad deegaanka isugu sharraxday, waayo deegaanka waxa ku jira Xubin Shilis (Maayar) oo aan is-odhan karo Wasiirkaba way ka shilistay.”
Guul-darradii ka soo waajahday Urur-siyaasadeedkiisii Wada-jir ee ku hadhay Qiimayntii ururrada, murashaxnimadiisii Golaha deegaanka ee aanu ku bixin iyo urur-siyaasadeedkii uu ku biiray oo soo dhaafi waayey tartankii doorashada kaddib, siyaasiyiin uu hoggaaminayo guddoomiyihii urur-siyaasadeedkii RAYS Xasan Gaafaadhi, ayaa si rasmi ah ugu biirey Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye oo ay heshiisyo kala saxeexdeen.
Aadan-Dhoola-yare oo la weydiiyey halkuu ku dambeeyey heshiiskii dhexmaray Xisbiga Kulmiye iyo Siyaasiyiintii uu ka tirsanaa ee urur-siyaasadeedkii RAYS, waxa uu ku jawaabay, “Maadama oo uu ururkayagii hadhay, saddexdii xisbi ee soo baxay, waxaanu isla garannay inaanu ku biirno Xisbiga Kulmiye. Heshiis baanu wada-galnay Kulmiye iyo ururro kale oo aanu ka mid ahayn. Laakiin, waxay sartu ka qudhuntay, heshiiskii sidiisii umuu dhicin, wixii Kulmiye ay nagula ballameen sidiisii umuu dhicin. Annagoo filaynaynay inaanu urur ahaan ku soo galno Golaha Dhexe iyo Golaha Fulinta, waxa dhacday in wixiiba loo qaybiyey reero. Maadaama heshiiskii ahaa urur iyo xisbibaa wada-galay ay u dhici wayday, waxay noqotay in aanaan ka mid noqonin xubnihii Xisbiga Kulmiye ka tirsanaa,” Sidaas ayuu yidhi Aadan-Dhoola-yare.

Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment