Hargeysa, 04 June, 2015 (Himilo)- Fadhi aan caadi ahayn oo labada Aqal Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada shalay yeesheen, ayaa xildhibaannada goleyaashaasi cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali oo madaxweyne Siilaanyo dhowaan magacaabay, kaddib markii uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore Dr Yuusuf Ismaaciil badhtamaha bishii hore.
Fadhiga shalay oo madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday shir-guddoonnada Baarlamaanka, kuna qabsoomay Xarunta Aqalka Odayaasha isla markaana uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa ka soo xaadiray 122 mudane oo ka mid ah 164-ka xildhibaan oo marka laysku daro ay ka kooban yihiin labada Aqal ee Guurtida iyo Wakiillada oo mid kastaaba ka kooban yahay 82 mudane.
Markii la gudo-galay codka kalsoonida ee Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxa cod aqlabiyad ah ku oggolaaday go’aanka madaxweynuhu ku magacaabay masuulkan 110 mudane oo isugu jira mudaneyaasha Guurtida iyo Wakiillada, halka 11 xildhibaan ay afka ka xidheen, sidaasna uu ku ansaxay xilka guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland.
Dareenkii Guddoomiyaha
Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, ayaa kalsoonida mudaneyaashu siiyeen kaddib, ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aaddan xilka uu masuuliyaddiisa qaaday iyo qorshayaashii wax-qabad, waxaanu yidhi, “Dareenkaygu wuxuu isugu jiraa laba, mid waan ku faraxsanahay in labadii aqal ee baarlamaanku kalsooni i siiyeen. Midna waa masuuliyad culus oo markay bulshada dhex-deeda noqoto wax-qabadka yaala iyo Illaahay hortiisa waa masuuliyad culus. Markaa Kalsoonidaa dadku igu qabaan ee codka la igu siiyay waxaan rabaa inaan dadka ugu shaqeeyo, ta dambena (masuuliyadda) waxaan rajaynayaa Illaahayna inuu ii fududeeyo dadaal badana aan sameeyo, dadkana aan la tashado Insha Allah.”
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee shalay xilkiisa loo xalaaleeyey, waxa uu ka garaabay culayska hawleed iyo wax-ka-qabashada arrimaha cadaaladda ee horyaalla, waxaanu yidhi, “Caddaaladda waynu ognahay oo dhawr iyo labaatankaas sannadood wuxuu ahaa laf-dhabarta qaranka, waxay ku shaqeeyaan duruuf adag, wax badana way qabteen, waa meesha kaliyaata ee dadku u gar-tagaan ee kala haysa ee kala hagta, markaa waxaan rajaynayaa inaan halkaas wax kaga sii kordhiyo oo aan wax tar ula tago.”
Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu mahadinayaa Madaxweynaha Somaliland oo mansabkan ii magacaabay oo ii soo jeediyay iyo labada gole oo iyaguna Kalsoonidoodii igu siiyay inaan bulshada u shaqeeyo, waxaanan rajaynayaa inaan dadka u shaqeeyo oo inta awoodayda ah caddaalad iyo waxqabad ku dadaalo.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment