Tuesday, June 16, 2015

Madaxtooyada oo ka hadashay Sababta Madaxweynaha looga horjoogsado Su’aalaha warbaahinta

Hargeysa, 16 June, 2015 (Himilo)- Afhayeenka madaxtooyada Axmed Saleebaan Dhuxul, ayaa ka hadlay sababta inta badan saxaafadda looga horjoogsado in su’aalo la weydiiyo madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxaanu ku dooday
DHUXULAxmed Saleebaan Dhuxul waxa uu sheegay in sababta Madaxweyne Siilaanyo looga hor istaago su’aalaha suxufiyiintu tahay cabsi laga qabo su’aalo caadifadaysan ku dhisan oo madaxweynaha la waydiiyo. Sidoo kale, waxa uu ballan-qaaday inay samaynayaan goob ay warbaabintu si gaar ha ugula kulmaan madaxweynaha si wax looga weydiiyo xaaladda dalka.
“Qofka weriyaha ahi waxa uu ugu jecel yahay inuu qofka madaxda ah wax waydiiyo, laakiin imika mays waydiiseen barigii hore saxaafaddu intaas way ka yarayd, Manay jirin warbaahinta Online-ka ah ee maanta halka ugu saraysa maraysaa. saxaafaddu in kooban ayey ahayd xataa inta wax weydiin jirtay way koobnayd, maantana bal u fiirsada waxa uu mashaakil naga qabsadaa inaanu nidhaahno isku deysta su’aalaha,” ayuu yidhi Afhayeen Dhuxul oo shalay warbaahinta qaarkeed la hadlayey.
Afhayeenka ayaa ku dooday in su’aalaha madaxweynaha ay waydiinayaan suxufiyiintu yihiin qaar caadifad ka muuqato, waxaanu yidhi, “Madaxweynaha Su’aasha la waydiinayaa waa inay wax soo kordhisaa, waa inay noqotaa mid ka turjumaysa dareen dhab ah waxaana iska jira su’aalo caadifadi ku jiraan.”
“Sidii uu wasiirka warfaafintu sheegay waxaanu samaynaynaa saaxad aad madaxweynaha ku waydiisaan su,aalaha waxaana laydiinka baahan yahay inaad si masuuliyad ah isku soo xushaan,” ayuu yidhi Axmed Saleebaan.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment