Hargeysa, 16 June, 2015 (Himilo)- Guddoomiye ku-xigeenka 3aad ee Xisbiga mucaaradka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland ku tilmaamay shakhsi dantiisa gaarka ah ka horreysiisa danaha guud ee Qaranimada iyo bulshooyinka dalka ka dhexeeya, isagoo ku duray kaalintii uu ku lahaa burburkii ku dhacay Xisbigii UDUB oo Wasiirka Waran-cadde laftiisu ku faanay burburkiisa inuu isagu ka dambeeyey.

Cali Maxamed Yuusuf oo shalay u warramayey telefishanka madaxa-bannaan ee Star TV, waxa uu dareen-celiyey raalli-gelin uu Daahir Rayaale dhowaan ka siiyey bahweyntii iyo siyaasiyiintii UDUB oo madaxweynihii ku-xigeenkii hore, Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid Xasan Mataan ka mid yihiin, isagoo ka raalli-geliyey burburkii ku yimi Xisbigooda iyo go’aankii uu murashaxnimadiisa ugu wareejiyey Cali Maxamed Wara-cadde oo Md Daahir Rayaale ku tilmaamay siyaasi hankiisu aanu dhaafsiisnayn Xil-wasiirnimo.
Cali Guray oo ka hadlayey sida uu u arko Raalli-gelinta Daahir Rayaale iyo eedeayn uu u jeediyey Cali Wara-cadde, waxa uu yidhi, “Bani’aadamku wuu khaldamaa, haddii uu qaladkiisa qirto, waa wax la soo dhawayn karo, laakiin ninka aan la hadlayaa waxa weeyi Cali Waran-cadde oo ku faanay ‘waxaan soo bur-buriyey UDUB, hankiisuna sida uu Rayaale sheegay aanu dhaafsiisnayn wasiir. Cali maaha Nin Qaran wax u doona, Cali maaha Nin Qaran, Nin Qolona maaha, Nin Qoysna Maaha, waa nin Qof, Cali naftiisa ma dhaafsiisna.”
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo ahaa afhayeenkii Xisbigii burburay ee UDUB, ayaa ka mid ahaa garab Xisbigaas ka tirsan oo uu hoggaaminayey Jamaal Cali Xuseen oo badhtmaha sannadkii 2012-kii ku biiray Xisbiga mucaaradka ah ee UCID.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment