Sunday, June 7, 2015

Maynu daawanaa, maynu dawaynaa, mise waynu ugu dareernaa?

Kasakow waxqabadka ay xukuumada tallada dalka haysaa ku faanto markasta waxa marag madoon ah in lagu xusi doono laguna xasuusan doono qabyaalad qaawan, kala qoqobka dalka iyo dadka, musuq-maasuq baahsan, eex, qaraabo kiilnimo, naasnuujinta shaqsiyaad gaar ah oo hantida qaranka ka dhaxeysay loo sameeyo, caddaalad darro iyo waliba sidoo kale maamul xumo iyo maareyn la’aan masuuliyadii loo igmaday ee laguna aaminey.
Way jiraan dad badan oo damiirkoodu noolyahay dalkoodana jecel balse markay wax iftiimiyaan ama faaleeyaan loo arkayo kuwo deegaan nololeedka lagu jiro ka baxsan lana jaan qaadeyn siday wax u socdaan waxaanay marar badan kaliftay dadkii cilmiga iyo caqliga u saaxiibka ahaa ee waxna toosin lahaa tilmaam toganna bixin lahaa afka xidhaan
Waxaan isha la beegasaday oo aan barta ay bulshadu ku kulanto ee facebook ku arkay maqaal ciwaankiisu yahay
(Shacbi Nacas Ahi Wuxuu Dhalaa Dawlad Yey Ah
Astaamaha Xukuumadaha Saaqiday)
Oo ay qortey wallaashay Naciima Cabdi Galiixe
Haddaba dad badan oo aqoonyahanka dalka ah markaad ku kulantaan goobaha ay bulshadu isugu timaado waxay badhkood kula boobayaan su’aalo dhowr ah ayna kamid yihiin. Waxaad moodaa in dib loo socda oo halbeegii qabyaaladu cirka gaadhay sababtana ciday doontaaba ha la haato waxaanu aad ugu niyad jabsanahay siday wax u socdaan xukuumada oo masuuliyada ugu weyn ee dalka haysay iyada ayaa abuureysa wixii ay aheyd iney aasto oo qabyaalada ah, mucaaradka laftarkiisana waanu dhaliilsanahay waxaanu sidoo kale aragnaa in lagu hungoobay golayaashii deegaanka ee loo doortey ka shaqeynta ilaha adeega bulshada gaar ahaan waxyaabaha aasaasiga u ah nolosha, haddaba sidee ayaa ugu haboon oo wax loo sixi karaa? Ku darsoo dadka su’aalahaa ku weydiinaya haddii aad ugu jawaab celiso adigu kamid noqo kuwa wax saxaya waxay jawaab kooban kugu odhanayaan ma rabno siyaasada iyo dhexgalkeeda waayo, wax la galo maaha waxa laga dhaxlaa magac xumo iyo maal xaaran ah. Haddana dhaliishi way la joogaan oo iyagiibaa xalaaleynaya wixii ay xukuumadda ama xisbiyada ka xaaraantinimeynayeen oo aheyd in magaca ummada la ilaaliyo maalkoodana meesha ay ku haboon tahay loo galiyo.
Garo markay sidaa kugu jawaabayaan way ciilan yihiin haddana ma cabirikaraan rabitaankooda qalbiyeed ee ku jira waayo wuxuu wax ka diidayaa waa carabka balse ruuxda ku jirta ayaa kula hadlaysa oo aad ka dha dhasan kartaa wuxuu doonayo.
Waxa xusid mudan dadkaa badhkood waxay leeyihiin mawhibo suugaaneed oo ay isku soo dhaafiyaan waxa culan qalbigooda kadibna gabay ama geeraar ayey ku cabiraan wixii ciilka ku hayey wayna nafisaan sidoo kale kuwo iyaga kamid ahi waxay miciin bidaan qalinka iyo qoraalka oo waxay dadka ka hagaan saxaafada, laakiin haddana siday wax u rabaan looma helo markaad u dhug yeelato qawlkooda suugaaneed iyo qoraalkooda qalinba waa qaban dhacyooneysaa waanad qiirooneysaa wallow aaney si toos ah ugu tagin farriintoodu ciday la rabaan oo ah madaxda markaas ku hirdameysa maamulka dalka muxaafid iyo mucaaridba.
Way jecel yihiin iney la kulmaan madaxda oo ay saxaan haddana waxa ku gudboon deegaan nololeedkooda dadka kula nool oo isla markaaba ku shaanbadeynaya iney xisbi ama xukuumad galeen!.
Si aan haddaba iyaga iyo inta la aragtida ahba ee aanan wakhtiga isku helin u wada helno su’aashaa jawaabteeda ayaan u calmaday ciwaanka maqaalkeygan kooban Maynu daawanaa, maynu daweynaa mise waynu uga dareernaa?.
Si kooban haddii aynu u dul istaagno mashaakilaadka inagu xeeran waxa marag madoon ah iney jiraan dhaliilo badan oo dhankastaba leh laakiin masuuliyadeeda ugu weyn ay korka ku qaadaneyso xukuumada hadba tallada ummada haysaa waayo waxay masuul ka tahay xuquuq badan oo aasaasi ah oo dastuurku u damaanad qaaday muwaadin kasta oo reer Somalilanad ah sida uu dhigay qodobka 37aad ee dastuurku oo leh:
Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka.
Waa qodobka 37aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland
Waxa hubanti ah in xukuumad kasta oo tallada waddanka qabataa ay ku qasban tahay ilaalinta masiirka shacabka iyo dhowrida karaamadooda eebe ugu galaday. Sidoo kale u caddaalad sameynta muwaadiniinta, shaqo abuurkooda, caafimaad bilaash ah, waxbarasho bilaash ah sameynta kaabayaasha dhaqaalaha waddanka, xoojinta xidhiidhka dibada iyo gudaha iwm.
Dhibaatooyinku way badan yihiin daaweyntooduna maaha mid meel kale laga raadinayo ee waa mid ku dhex jirta gudaheena, daawan kari mayno siday wax u socdaan oo sixitaankeeda inaga ayaa la inooga fadhiyaa xukuumad iyo xisbiba. ugana dareerimayno markaan leeyahay dareeridu maaha mid dalka laga baxayo ee waa mid looga baxayo saaxada siyaasada Somaliland ee waynu la galeynaa wax badana waynu saxaynaa inta taagteen iyo tamarteenu ina dhigto haddaba su’aasha ayaa ah sidee ayaa loo saxayaa waxaas oo dhan?.
Jawaabteedana waxaynu ku qaadaa dhigi maqaaladeena danbe insha Allaahu la soco qeybaha danbe……………
Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi Batun
Hargeisa Somaliland
Email: Barkhad909@live.com
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment