Sunday, June 7, 2015

Hello Mudane? Q.1aad-W/Q: Xamse Baashe Muxumed

Maqaalkan waxaan kaga hadlayaa in dawladeena aynu ku baraarujino in xilka ay hayaan uu turxaan badan yahay misana hore loo sheegay in ninka xilqaaday uu eed qaaday oo uu xil guntaday, taasina waxa caddayna shacabka oo cabashada ay ku hayaan dawladu ay tahay mid maalinba maalin kasii badan tii hore, shalay dadku waxay ka hadlayeen biyo la’aan, laydh la’aan iyo waddoyin la’aan laakiin maanta waxa intaas uraacday Cashuurtii oo lugu kordhiyey iyo waddanka oo aan dhaqaale lahayn.
Mudane haddii xaalada dalku ay tahay mid maalinba maalin kasii daraysa xaga dhaqaalaha iyo horumarka ma kula tahay inaad bulshada la hadashid oo aad farriin u dirtid isla markaana qaadid talaabo Qaran oo dhalinta jaamacadaha kasoo qalin jabiyey ee muddada sanadaha badan wax baranaayey in aad ku jiahaysid sidii dhaqaalaha dalka kor loogu qaadi lahaa oo lagaga faa’iidaysto awoodan cusub ee dhalinta waddanka ku nool hadda, haddii ayna iyaguna kaba bixin oo aanay raacin talaabadii kuwii hore ee markii la jihayn waayey iyagu waddo khaldan isku jiheeynin.
Muddane qodobka 11aad ee Dastuurka qaranku waxa uu tilmaamayaa Dhaqaalaha waddanka isla markaana xaqiijinayaa in kobcin iyo shaqo abuur la sameeyo waxa uuna u qoranyahay sidan “Si loo xaqiijiyo kobcinta wax-soosaarka, kor u qaadidda heerarka nolosha, abuuridda goobo shaqo, iyo guud ahaan horumarinta dhaqaalaha dalka, dawladu waxay dejinaysaa siyaasadda guud ee dhaqaalaha, oo ku salaysan mabaadiida suuqa xorta ah iyo isgarabsiga hantida gaar ahaaneed, hantida wadareed,hantida qaranka iyo maalgelinta shisheeyaha” muddane qodobkan intiisa ugu muhiimsan ee ah xaqiijinta iyo kobicnta shaqo abuur, sida la rumaysan yahay kamay hirgelin waddanka.
Haddaba maxay dawladu iyada ayaa waddanka dhaqaalihiisa maamusha ee dawlada laf ahaanteedu u maal-geshan wayday waddanka oo warshado waxsoosaar oo faa’iido u leh shacabka ugu samayn weyday, isla markaana uga faa’iidaysan weyday xoogan dihin ee dhalinta waxbaratay iyo kuwan muruqa iyo awooda leh ee wixii loo diraba kasoo baxay, misana miyeyna ahayn in dawladu bilawdo mashruucyo iskaa wax u qabso ah oo dadka lugu guubaabinayo inay wax qabsadaan oo waddankooda ka faa’iidaystaan.
Muddane Ma amar iyo xogo dheeraad ah oo aan la fulin Karin ayey u baahantahay haddii dhalinta meelaha xun-xun fadhida ee qaadka iyo sigaarka ku cunaysa haddii looga faa’iidaysto waxqabad guud oo iskaa wax-qabso ah isla markaana la hor kaco oo Wasiirada xilalka haya iyo Agaasimayaashu horumuud ka noqodaan Adiguna aad noqotid Guddoomiye guud oo dusha ka maamula.
Haddaba gacmo wadajir bay wax ku qabtaane, dadka shacabka ahi gaar ahaan dhalinyaradu waxay yidhaahdaan xoogayagii iyo cilmigii aanu soo baranay waxa aanu ugu faa’iidaynaynaa waddankan aan u dhalanay ee aanu iska leenahay, xaga dawladuna tidhaahdo waxsoosaarka waddanka haka faa’iidaystaan dhalinyarada iyo bulshada shacabka ahi oo waddankooda haka shaqaystaan, is waafajinta (iskubeega) labadan ayaa ah mid muhiim u ah bulshada iyo dawlada.
Lasoco qaybta 2aad..........................................................

W/Q: HAMSE BAASHE MUHUMED
STUDENT AT ALPHA UNIVERISTY COLLEGE
E-MAIL: Xamse18@gmail.com
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment