Thursday, June 4, 2015

Odayaal iyo Wax-garad loo xidh-xidhay muranka Macdan-qodista Buurta SIIMOODI oo la sii daayey, Maamulka Gobolka iyo Degmada Baki oo ka hadlay

Nuxurka Afar Shuruudood oo Dadka Deegaanku hordhigeen Shirkadda Shiinaha ah

Boorama, 04 June, 2015 (Himilo)- Badhasaabka Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax, ayaa sheegay in xorriyaddooda loo celiyey Odayaal iyo Wax-garad ka soo jeeda Degmada Baki, gaar ahaan deegaanka ay ku taallo Buurta Siimoodi oo shirkad laga leeyahay dalka Shiinuhu ka waddo hawlo Macdan-qodis, kuwaas oo xukuumaddu xabsiga dhigtay kaddib markii ay is-hortaageen hawlaha macdan qodista ee shirkadda oo heshiis kula jirta wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland.
siimoodiDadka ku dhaqan deegaanka ay ku taallo buurta Siimoodi oo xilligan laga wado hawlo Macdan Qodis ah, ayaa cabasho ka muujiyey saami-qaybsiga shaqaalaha shirkaddu qaadato, fulin la’aanta ballaan-qaadyo adeegyada bulshada ah oo shirkaddu u samaysay bulshada deegaanka iyo haddii ay jirto saamayn Caafimaad iyo mid deegaan oo ka dhalan-karta hawlaha macdan-qodista, waxaanay tani keentay in wax-garadka iyo Odayaasha deegaanku dalbadaan in la joojiyo hawsha macdan-qodista ilaa laga jawaabayo shuruudo Afar qodob ka kooban oo ay dalbadeen. Arrintan oo sababtay in ciidamo tiro badan la geeyo goobta isla markaana xabsiga loo taxaabo odayaasha iyo wax-garadka deegaanka Salaasadii todobaadkan.
Haddaba, Badhasaabka gobolka Awdal oo shalay wax laga weydiiyey xadhigga odayaasha, ayaa sheegay inay xorriyadooda u soo celiyeen odayaal iyo wax-garad Xabsiga loo taxaabay dorraad isla markaana ay ku hawlan yihiin dedaallo xal loogu raadinayo khilaafka jira.
“Raggii la soo xidh-xidhay waanu sii deynay, arrintaas xalkeedana waanu ku jirnaa,” ayuu yidhi Badhasaabka Awdal.
Guddoomiyaha gobolka Awdal oo la weydiiyey sababta keentay Xadhigga odayaasha, waxa uu ku jawaabay, “Waxa loo xidhay is-hortaag shaqo, haseyeeshee, may ahayn qaabka loo buun-buuninayo, odayaashiina waanu iska aragnay, waana la dhammeystirayaa.
Halkuu Salka ku hayaa Khilaafka Buurta Siimoodi?
Shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee hawlaha Macdan-qodista ka wadda Buurta Siimoodi, ayaa markii hore dalka ku soo gashay Heshiis dhexmaray dadka deegaanka oo ay wada-shaqaysanayeen, ka hor intii aaanay si rasmi ah heshiis u ogolaanaya ruqsad ay dalka kaga shaqayso la gelin xukuuumadda madaxweyne Siilaanyo, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Baki ee gobolka Awdal Maxamed Axmed Caateeye.
“Marka hore, dadka Shacbiga ah iyo Shiinaha (Shirkadda) ayaa wada-shaqaynsan jiray, markii ay muddo la shaqaysanayeen, annagaa nidhi Dowladda la soo heshiiya oo shuruucdii aad dalka kaga shaqaysanayseen keena. Dabadeed, dowladdaa heshiis la gashay, dabadeedna Shiinihii (shirkadda) shaqaalihii wuu wada-eryey, wuxuu yidhi aniga Qalabkayga ayaa ii shaqaynaya, haddaan dad u baahdana anigaa keensanaya cidda aan u baahnahay.
Iyagu (Dadka Deegaanka) markaa waxay leeyihiin, maadaama dowladdu la heshiisay shaqada hala joojiyo inta laga jawaabayo tabashadayada,” Sidaas ayuu yidhi Mr Caateeye oo u warramayey Warbaahinta.
Shacabka ku dhaqan deegaanka buurta Siimoodi, ayaa marka laga yimaaddo saami-qaybsiga shaqaalaha shirkadda ee ay deegaan ahaan dalbanayaan, waxa kale oo waxyaabaha ay ka cabanayaan ee odayaashu u gudbiyeen shirkadda, sababtayna xadhiggooda ka mid ah saamaynta macdanta la qodayaa ku yeelan karto deegaanka.
Guddoomiyaha Degmada Baki oo la weydiiyey arrintan, ayaa ku jawaabay, “Arrintaasi maaha mid shirkadda lagala hadlayo ee dowladda ayaa laga hadlayaa. Dowladdu iyadaa keensatay dad khubaro ah oo baadhay waxani inuu sun leeyahay iyo in kale, waxaana la yidhi yaan lagu ridqin (Macdanta). Dadkani cidda ay tabashadooda kala hadlayaan maaha shirkadda ee dowladda oo xaq u leh shaqaalaha lagu darayo iyo inay hubiso waxani inuu sun leeyahay iyo in kale, adeegyadii loogu talo-galay inay samaysana iyadaa amraysay shirkada,” ayuu yidhi Maxamed Axmed Caateeye.
Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Dadku waxay ka cabanayaan Afar qodob. Waxaanu go’aaminay in la qaado afar Oday oo loo geeyo wasiirka Macdanta iyo madaxweyne ku-xigeenka oo ay hortooda ka sheegtaan. Afartaas qodobna waxay yihiin inay shaqadii helaan, inay helaan adeegyadii loo ballan-qaaday sida biyo nadiif ah, waxbarashadii iyo caafimaad, in wershadda wax ridqaysa la ogaado inay dhibaato keenayso iyo in kale la caddeeyo iyo inay wax ku leeyihiin Heshiisyada la galay. Annaguna waanu ballan-qaaday inaanu dowladda horgeyno wixii ay ka cabanayaan.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment