
Magaalada Hargeysa, ayaa Arbacadii shalay ilaa Salaasadii doraadf si weyn looga hadal-hayay safarka madaxweyne Daahir Rayaale ku imanayo magaalada Hargeysa.
Md Daahir Rayaale Kaahin oo isaga iyo Qoyskiisu xilligan deggan yihiin waddanka Faransiiska, gaar ahaan magaalada Paris ee Caasimadda dalkaas oo ay u guureen wixii ka dambeeyey markii Xisbiga Kulmiye kaga guulaystay doorashadii Madaxtooyada ee sannadkii 2010-kii, ayaa socdaalkiisani noqonayaa markii saddexaad ee uu dalka yimaaddo muddo shan sanno ah oo madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo talada dalka hayey.
Socdaalka Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland dib ugu soo laabanayo dalka maalinta Jimcaha ah, ayaa ku soo beegmaya wakhti ay dalka ka jirto xiisad siyaasadeed oo dhalatay muddo-kordhinta golaha Guurtidu u samaysay Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada oo muddo-xileedkoodu ku egyahay 26 bishan June ee sannadkan.
In kasta oo Md Daahir Rayaale Kaahin aanu marna si qoto-dheer uga hadal xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo muddadkii xukuumadda Kulmiye talada dalka haysay, isaguna aanu wakhtigan ka mid ahayn Axsaabta siyaasadda dalka kaddib markii uu bur-buray xisbigii uu hoggaamin jiray ee UDUB, lama garan karo inuu ka hadli doono xaaladda dalka iyo aragtidiisa la xidhiidha isbeddelka siyaasadeed iyo wax-qabad ee xukuumadda Kulmiye ku soo kordhisay dalka.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment