Tuesday, June 9, 2015

Shalay: Madashii Xil-wareejinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Weedhihii laga yidhi

Hargeysa, 09 June, 2015 (Himilo)- Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadan Xaaji Cali, ayaa si rasmi ah xilka uga wareegay Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Dr Yuusuf Ismaaciil Cali oo madaxweyne Siilaanyo xilka ka qaaday bishii Afraad ee sannadkan.
maxMunaasibadda loo sameeyey xil-wareejinta labada masuul oo ku qabsoontay Xarunta Maxkamadda Sare, waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiirka qorsheynta Qaranak, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Taliyeyaasha Ciidamada Booliska iyo Asluubta, Xildhibaanno, Bahda Garsoorka iyo marti-sharaf kale.
Guddoomiye ku-xigeenka maxkamadda Sare, Yaasiin Sheekh, ahna xubin ka tirsan guddiga Cadaaladda oo munaasibada ka hadlay, ayaa ka warbixiyey wax-qabadka ay guddiga cadaaladdu ka geysatay tabashooyinka ka jira garsoorka iyo
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Xuseen Axmed Caydiid oo munaasibadda ka hadlay, ayaa iftiimiyey aragti uu shakhsi ahaan qabo oo ku aaddan kala-madax-bannaanaynta Guddiga Cadaaladda iyo Waaxda Garsoorka dalka, isaga oo soo jeediyey inuu aaminsan yahay in la kala madax-bannaaneeyo Guddiga Cadaaladda oo isagu xubin ka yahay Garsoorka dalka, isaga oo xusay in taasi meesha ka saaray caqabado iyo dhibaatooyin ka dhex-jira garsoorka.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isaguna ka hadlay munaasibadda, ayaa wasiirka Cadaaladda ka daba-qaatay aragtida uu soo jeediyey ee kala madax-bannaaneynta Guddiga Cadaaladda iyo Garsoorka oo uu ka garaabay, balse waxa uu guddoomiye Cirro ku dooday in hirgelinta arrintaasi u baahan tahay wax-ka-beddel lagu sameeyo Dastuurka dalka oo aan oggolayn kala-madax-bannaanaynta dastuurka.
Guddoomiye Cirro waxa uu u duceeyey Guddoomiyaha Xilka wareejinaya iyo Guddoomiyaha Cusub ee xilka la wareeg, balse waxa uu si gaar ah hadal farriin u muuqday ugu jeediyey Garyaqaan Aadan Xaaji Cali, isaga oo sheegay in xil-magacaabistiisu ku soo beegantay wakhti xaasaasi ah oo dalku ku sugan yahay xaalad siyaasadeed oo hal-xildhaalaysan. “Guddoomiyaha Cusub marka hore waan hambalyaynayaa, waanan u ducaynaynaa. Waxaan u malaynayaa (Aadan) waa ninkii ugu dhalinyaraa ee Guddoomiyaha Maxkamadda sare noqda, wakhti adag buu la soo kulmay oo Somaliland Crossword (Hal-xidhaale) ku jirto, waxaan ugu ducaynaynaa in Illaahay xilkaas ku asturo,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Guddoomiyihii hore ee Maxkamada Sare Dr Yuusuf Ismaaciil Cali oo munaasibadda ka hadlay, ayaa ka warbixiyey Marxaladihii uu soo maray nidaamka garsoorka dalka, caqabadihii uu ka soo gudbay iyo heerka uu maanta marayo, waxaanu yidhi, “Maanta dastuurkeenu xagga aqoonta waxa uu marayaa meel wanaagsan, laakiin waxa jirta oo aan waxba ka kordhin Garsoorka dalka oo dawladihii kala dambeeyay way kala hagradeen, Guddoomiyihii Maxkamada Rafcaanka ka dhintay iyo ka xannuusanaya cidna ubadkiisa ma oga. Anigu ma ihi shaqsi ahaan qod xil jecel, masuulka joogaa maxkamadda sare waxa uu gashan yahay shaadhkii Maxkamada darstuuriga ahayd. Kolay Aadan (Guddoomiyaha Cusub) Waa Nin aanu in badan soo wada shaqaynay waxaan leeyahay si kal iyo Laab ah ayaan ugu wareejinayaa.”
Guddoomiyaha Cusub ee Maxakamadda Sare Aadan Xaaji Cali oo isaguna ka hadlay munaasibadda, ayaa soo bandhigay Qorshayaashiisa wax-qabad ee uu kaga hawl-gali doono bahda Garsoorka, “maanta waxa farxad weyn ii ah in aan halkan kula wareego xilkii dhawaan madaxweyne Silaanyo I soo magacaabo, waxa sharaf ii ah in aan kula wareego Gudaha Maxakamada Sare. Yuusuf waxaan uga mahad naqayaa heerka uu maanta soo gaadhsiiyay Maxkamada Sare. Kolay halkani waa meel canaan badan oo cabasho badan. Waxaan mar kale ku faraxsanahay in aan maanta la wareego xilkii lay soo magacaabay dhawaan waxaan idinka codsanayaa in aad ii ducaysaan in Alle I fududeeyo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Aadan Xaaji Cali.
Waxa kale oo munaasibadda ka hadlay Wasiirka Qorsheynta Qaranka, Taliyeyaasha Booliska iyo Asluubta, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Garyaqaanka Dowladda, Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax, Xaaji Cabdikariim (Cabdi Waraabe) iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo siyaabo kala duwan uga hadlay horumarka laga sameeyey wax-ka-qabashada tabashada garsoorka, duruufaha ku gedaaman wakhtigan iyo siyaabaha loo mari karo xalka wax lagaga qaban karo dhibaaatooyinka jira.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment