
Heshiiska oo ka kooban Siddeed Qodob, ayaa u qornaa sidan:-
1. Xabbad-joojin rasmi ah oo ka bilaabanaysa maanta oo taariikhdu tahay 07/6/2015. Dagaal danbana inaanu ka dhicin deegaanadii dhibku ka dhacay. Labada dhinacna waxay farriin nabadeed u gudbinayaan dadka shacabka ah.
2.Maanta oo taarikhdu tahay 07/6/2015 in deegaanadii dagaalku ka dhacay ay ka caagan yihiin xoogag hubaysan oo sharci-darro in ay ka dhaq dhaqaaqaan.
3. Dadka Soomaalida ah ee ku nool gudaha Itoobiya, iyaga oo aan loo eegin Diin, Qowmiyad, Luuqad, Qabiil IWM… waxay leeyihiin Xuquuq dastuuri ah iyo sinaansho dhinaca adeegyada Dowlada ah.
4. Laba dhinac waxay ku heshiiyeen inay xoojiyaan xidhiidhka iyo nabad kuwada noolaanshaha laba dal.
5. Labada dhinac guud ahaan, gaar ahaana Gobolada Qoraxey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Galgaduud ee badhtamaha Soomaaliya iyo meel kasta oo labada Dowladood daris ka yihiin in si nabad gelyo ah lagu xaliyo wixii khilaaf ah ee soo baxa, iyaga oo adeegsanaya Odoyaasha dhaqanka, xoogagga Nabadgelyada iyo Maamulada labada dhinac.
6. Dhibaatadii ka dhacday Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaa si gooni ah xil uga saaranyahay xalintooda Maamulka iyadoo uu la tashanayo, isla markaana kaashanaya shacabka ku dhaqan deegaankaas, waxaana si gaar ah u xalinaya sababihii keenay khilaafka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
7. Labada dhinac waxay ku heshiiyeen in ay ula dagaalamaan si wada jir ah cadowgooda Al-Shabaab, UBBO (ONLF) iyo u Adeegayaasha Waddamada Shisheeye ee cadowga ku ah degenaanshaha iyo nabadgelyada labada dhinac.
8. Waxay labada dhinac ku heshiiyeen in si wada jir ah iyo si gaar gaar ahba ula dagaalamaan cadowga iyo cid kasta oo si khaldan u adeegsanaya qalabka Warbaahinta, abuurayana colaado hor leh.” Sidaas ayaa lagu sheegay heshiiska.
Dagaalada dhexmaray labada dhinac oo bara-kiciyey dad shacab Soomaali ah oo ku dhaqan gudaha dalka Itoobiya isla markaana dhexmaray laba beelood oo ku kala dhaqan deegaankaas, ayaa faraha ka baxay kaddib markii ciidamada Liyuu Booliska ee Ismaamulka Soomaalidu la safteen mid ka mid ah labada beelood ee dagaalamay oo iyagoo is-garabsanaya inta ay u tallaabeen gudaha Soomaaliya duullaan khasaare badan geystay ku qaaday tuulooyinka ay deggen yihiin beesha kale oo qaarkood ay dab-qabadsiiyeen.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment