
Taliyaha oo shalay hadal ka jeediyey munaasibad ay xilka kulak ala wareegayeen Guddoomiyihii hore iyo Guddoomiyaha Cusub ee Maxkamadda Sare, waxa kale oo uu taabtay baahi loo qabo dhismaha iyo dayac-tirka Xabsiyada dalka, isaga oo si gaar ah u xusay inaanay jirin goobihii lagu xidhi lahaa Haweenka iyo dhalinyarada Maxaabiista ah.
“Waxaan leeyahay Qoladiina Garsoorka, meeshii aad wax ku xidhi lahaydeen, labada xabsi ee Mandheera iyo Hargeysa oo kaliya ayaa wax dhisan ka jira, inta kale way dumayaan, xabsigii Dumarka lagu xidhayey lama hayo, Xabsigii dhalinyarada ama Carruurta lagu xidhayey lama hayo in yar oo Mandheera ka samaysan mooyaane.
Annagu waxaanu ilaalinaa Maxaabiis, meeshii aanu ku ilaalinaynay dhammaan Xabsiyadii gobolka iyo degmooyinku way dumayaan,” ayuu yidhi Taliye Maxamed Cismaan (Xudhuun).
Taliyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas raaciyey oo yidhi, “Waxa ka sii daran meeshii Ciidanka Asluubta Taliska u ahayd, haddaanu nidhaahdo boqol nin aanu isu keenno oo soo xerayno, meeshii ay ku xeroon lahaayeen lama hayo. Hay’adaha oo dhan way dhisteen wasiirradii, laakiin Xabsigii wax lagu soo xidhay ma dhisna mana hagaagsana, dhammaan dhulkii Ciidanka Asluubtu lahaayeen waa la wada-qaatay. Markaa waa inay dowladdu fiiro u yeelataa.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment