Hargeysa (Himilomedia) June-10-2015-Maxamed Cali Yuusuf Cambaro, taliyaha laanta socdaalka Somaliland waxa uu jawaab ka bixiyay hadal hanjabaad ah oo shalay ka soo yeedhay dhiggiisa Somalia Mr Gaafow, kaasi oo ku saabsan in dhalinyaro u dhashay Muqdisho laga celiyay madaarka Cigaal ee Hargeysa, waxaanu sheegay in dadkaasi ahaayeen kuwo aan sidan sharcigii ay Somaliland ku soo gali lahaayeen.
Taliyaha Laanta socdaalka Somaliland oo saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa arrintaasi ku macneeyay “Way jiraan dad aanu ka celinay madaarka Cigaal International Airport. Waxay ahaayeen 45 qof oo ka soo degay madaarka Hargeysa, dadkaas markii aanu baadhnay 40 ka mid ahi waxay siteen sharci ama Dhukumanti lagu socdaalo, 5 ka mid ahina may sidan wax Aqoonsi ah ama Sharci socdaal ah, markaa kadib markii aanu ka waynay wax sharci ah oo ay ugu kala safraan labada dal ee Somaliland iyo Somalia ayaanu dalka dib uga celinay” ayuu yidhi Mr Cambaro.
Taliyaha Socdaalka Somaliland ayaa sidoo kale farriin u diray dhiggiisa Somalia “Laanta socdaalka Somalia waxaanu u sheegaynaa inaanu nahay laba dal oo kala madax banaan oo iskugu safra dhukumenti sharci ah, sidoo kale dalalka aanu deriska nahay ee Jabuuti iyo Itoobiya wixii aan sharci sidan waanu celinayaa kuwaas aanu jaarka nahay uun buu nooga mid yahay dalka Somalia”
Taliyaha socdaalka Somaliland waxa uu sheegay inaan cid bilaa sharci ah loo aamini karrin arrimo amaan inay dalka Somaliland soo galaan, isagoo sheegay in dadka Somalia ka imanaya ay tahay in sharci soo qaataan.
Dhanka kale taliyaha socdaalka Xukumadda Muqdisho ayaa shalay cabasho ka muujiyay soo celinta dadkaasi isagoo tilmaamay mid aan la aqbali karrin in dad Soomaali ah lagu celiyo Meel Soomaali joogto.
“Shalay (Isniintii) halkan Muqdisho dad ayaa diyaarad ka raacay. Muraad ayey lahaayeen oo kharash baa galay, dhibaatey galeen, waxayna noqotay halkii laga taakuleyn lahaa in xabsi la geeyo markii ay gaadheen madaarka Hargeysa. Xalay (habeenkii Salaasada) xabsi ayey ku bariyeen, saakana (subaxnimadii shalay) waa la soo tarxiiley. In nin Soomaali ah soo tarxiilo (mustaafuriyo) qof Soomaali ah wax la qaadan karo ma aha,” ayuu yidhi Taliye Cabdillaahi Gaafaw .
Waxa kale oo uu tilmaamay in dhawr jeer oo hore madaarrada Somaliland lagu dhibaateeyey dad Soomaali ah oo ka dhoofay Muqdisho, waxaannu yidhi; “Waxa aan aad uga xumahay, marar badana nagu soo noqnoqday, marar badana dhibaato ka taagan tahay dadka Soomaaliyeed dhibaato badan ayey qabaan maanta, way dhoofaan, waa ay soo socdaan oo sii socdaan oo Hargeysa iyo Berbera way aadaan, wayna ka yimaadaan. Wanaag ayaan u samaynaa qof walba oo Hargeysa ka yimaada ama Berbera ka yimaada ama Soomaaliya ka yimaad, wax dhibaato ah ama mushkulad ah weligii nagalama kulmin.”
Taliyaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in aanay dawladda Soomaaliya u dul-qaadan karin in dadkooda muwaaddiniinta ah lagu dhibaateeyo Hargeysa, waxaannu yidhi; “Waxaa nasiib-darro ah oo caado noqotay in qof kasta oo Soomaaliya sheegtay in la dhibaataynayo, xabsi la geynayo oo si bani’aadminimada ka baxsan loola dhaqmayo, taasina waxaa ay keeni kartaa naceyb dhex mara dadka shacbiga ah.”
Himilomedia
Hargeysa
No comments:
Post a Comment