Sharm El-Sheikh, 11 June, 2015 (Himilo)- Saddex Urur-goboleed oo Afrikaan ah, ayaa lagu wadaa in ay sameystaan Suuq xor ah oo noqonaya kan ugu weyn Qaaradda Afrika, waxaana heshiiska arrintan ku saabsan Arbacadii shalay lagu kala saxeexday magaalada Sharmar-Sheekh ee waddanka Masar oo aan isagu xubin ka ahayn Ururradaas.
Urur-goboleedka hormarinta Bulshada Koonfurta Afrika (SADC), ka hormarinta bulshada Bariga Afrika (EAC) iyo COMESA, ayaa shalay qalinka ku duugay Heshiiskaas oo ay ku kala saxeexdeen dalka Masar, waxaana lagu heshiiyey samaynta Urur ay ku mideysan yihiin.
In ka badan 600 oo Milyan oo dad Afrikaan ah, ayaa la rejeynayaa in ay ka faa'iideystaan marka la hirgeliyo heshiiskan sannadka 2017-ka. Saraakiisha Ganacsiga ee kulanka ku leh dalka Masar, ayaa ku dedaalaya sidii ay ku dhammaystiri lahaayeen heshiiska.
Heshiiskan la saxeexay, ayaa la hor-geyn doonaa Kulan-Madaxeedka Midowga Afrika ee dabayaaqada toddobaadkan ka dhici doona dalka Koonfur Afrika. Marka lasoo gebagebeeyo heshiiskan, Ganacsiga Suuqa xorta ah ee Afrika, ayaa waxa uu noqon doono kan ugu weyn ee ay Qaaraddu yeelato, isla markaana ay ku mideysan yihiin 26 dal oo Afrikaan ahi.
Ujeeddada laga leeyahay samaynta Suuqan Ganacsiga Xorta ah ee Afrika, ayaa ah in meesha laga saaro caqabadaha Ganacsi ee hortaagan inta badan alaabada u kala gudubta dalalka Afrika, oo qiimahooda lagu qiyaasay lacag dhan hal Bilyan oo Doollar.
Si kastaba, heshiiska ayaa u baahnaan doono in ay ansixiyaan Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah ka hor inta aan la meel marin. Arrinta isdhexgalka gobollada Afrika ayaan ahayn mid cusub. Nus qarnigii lasoo dhaafay dawladdaha Afrika, ayaa ka xaajoonayay sidii ay u xoojin la haayeen isdhexgalka Gancsi ee dalalka Qaaradda.
Heshiiskan waxaa qayb ka ah hagaajinta Waddooyinka aan wangaasaneyn, jidadka Tareennada iyo Shirkaddaha diyaaradaha oo liita wax ka qabashadooda, iyadoo tayo xumada waddooyinka iyo diyaaraduhu caqabad ku ah isu socodka alaabada Ganacsi ee Qaaradda. Sidoo kale dalal badan oo Afrika ku yaalla ayaa difaaca wax soo saarka Wershadahooda yaryarka ah, waxaas oo dhan ayuu heshiiskani xal lagu horumariyo abuuri doonaa sida la sheegay.
Dadka ka faallooda arrimaha dhaqaalaha, ayaa qaarkood ku doodayaa in heshiiskani yahay mid wax wayn oo dhinaca horumarka dhaqaalaha iyo is-dhex-galka Bulshooyinka ah ku soo kordhin doona dalalka Qaaradda Afrika, isla markaana uu mustaqbalka horseedi karo midnimo dhex-marta waddamada Qaaradda Afrika sida Yurub oo kale.
Hase-yeeshee, qaar ka tirsan dadka falanqeeya arrimaha dhaqaalaha iyo Ganacsiga dunida oo BBC-du wax ka weydiisay muhiimadda heshiiskan, ayaa iyagu ku doodaya inay adag tahay in si dhaqso ah faa’iido looga gaadhi karo heshiiskan, maaddaama oo uu wax-soo-saarka Qaaraddu yahay mid aan aad u badnayn ee hooseeya.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment