Tuesday, June 16, 2015

Ujeeddada Kulan Dhexmaray Maayarka Hargeysa iyo Guddiga Horumarinta Caasimadda

Hargeysa, 16 June, 2015 (Himilo)- Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) ayaa Hadhimo sharafeed u sameeyay Guddiga Horumarinta Caasimada Somaliland ee Hargeysa.
SAM_9987.JPGKulan-hadhimeedka dhexmaray oo ay ka qayb-galeen Guddiga Fulinta Golaha Deegaanka Hargeysa oo Maayar Soltelko hoggaaminayo iyo Xubnaha Guddiga, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii loo dar-dargelin lahaa mashaariic hore oo maamulka dowladda hoose ka hirgelinayo caasimadda kuwaas oo ay ka mid yihiin jidad cusub iyo qaar kale oo dib-u-habayn lagu samaynayo, iyadoo sidoo kale xubno cusub lagu kordhiyey Guddiga Horumarinta Caasimadda oo ka kooban Ganacsato iyo Qaybaha bulshada Caasimadda.
Guddoomiye ku-xigeenka guddida horumarinta caasimadda Hargeysa Xasan Cabdisalaan oo kulanka ka hadlay, ayaa ka warbixiyey wax-qabadka Guddigoodu ku tallaabsatay iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa golaha deegaanka Hargeysa, waxaanu yidhi, “Toban sano Ka hor ayaa guddigu dhismaha Masaajidka Cali Mataan ka soo faraxalatay hadana, waxa ay gashay barnaamijkii dib u dhiska bariijka Labaad Ee Magaalada Hargeysa inkasta oo uu wakhti dheer uu nagu qaatay, markaanu dhamaynay waxa aanu nidhi maadaama oo aan sidanno magacii Guddida Horumarinta Caasimada, waa In aan hawli kale Ku dhaqaaqnaa, waxaana culays lagu saaray in aanu la shaqayno anagoo labadaasi mashruuc markii aanu dhamaynay iska kala taga is leh, ayaa maayar Cabdiraxmaan Soltelko naga dalbatay in hawshii halkaasi ka sii wadaaan oo mashaariic kale bilaabaan, waxaana bilownay in aan abaabulo dab-damiska Caasimada Ilaahayna Arrinkii Deb-damiska waa nugu guuleeyay. Markii arrinkaasna soo gabagaboobay Gudoomiyaha Magaalada ama Maayirka Caasimada Cabdiraxmaan Solteco waxa uu moo sheegay in uu doonayo in uu xoojiyo guddidii Caasimada Go’aankaas anaguna waanu qaadanay.”
Sidoo kale Waxa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Axmed Daahir oo ka mida xubnaha Gudida Caasimadda, waxaanu yidhi, “Dhammaan howlahii caasimadda ee ku haboonaa in wax laga qabto marka aynu ka soo baxnay waxa inoo qorshaysnaa in aan qabano ama aan gudo galo howlaha caasimada iyo sidii Biyo lagu raadin lahaa Alle mahadi lakiin waatan biyihiin imika laynoo wad waddo.”
Guddoomiyaha Golaha Deegaanka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteco) oo halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, "Maanta waa noo farxad haddaanu nahay maamulka dawlada hoose in aan halkan isugu nimaadno oo aan ku wada hadalo sidii aan u horumarin lahayn Caasimadda Hargeysa. Waxa aan intaas ku darayaa in aan maanta Gudida aynu ku darsano laba xubnod oo innagu Cusub, waxayna kala Yihiin Maxamed Siciid Dahabshiil Iyo Muuse Abokor wixii kale ee inoo suura gal iyana waan ku dari doonaa.”
“Howshii kale ee dab-demiskuna waa innaga gebagebo, waxa kale oo aan rejaynana in aanu gaadhi kale oo dab-demis ah ku darno, Dhawaan ayay ahayd Waddada Dhexe ee Halbawlaha Caasimada in aanu hagaajinay markaa maanta waxaan halkan ka sheegayaa in waddada Madaarka aanu doonayno in sida ugu dhakhsaha badan aanu u dhisi doono waayo Waa Waddadii Madaarka oo waa Muraayadii Dalka.”
Guddomiyaha Guddida horumarinta Caasimadda Hargeysa Ganacsade Aadan-Baradho oo isaguna halkaas ka halday, ayaa sheegay in loo baahan yahay in qof waliba wakhti iska jaro, isla markaana loo diyaar garoobo sidii maamulka caasimadda wax loola qaban lahaa, iyadoo lala shaqaynayo maamulka dawladda hoose.
“Kolay wakhtigu waa innagu qaali ee waxa la yidhi waxaan kugu waynayni waxba kama jaro ee wakhtiga aan ilaashano haddii maanta la inoogu daray dhiig cusub iyo Guddi Cusub, waa in aan ka sii shaqo badanaa Sidii Hore,” ayuu yidhi Ganacscade Aadan-Baradho
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment