Abeesalay, 11 June 2015 (Himilo)- Waraabayaal duullaan ah, isla markaana Dad-cun ah, ayaa Gabadh-yar xoog kaga qaaday Qoyskooda, taasoo lagu guul-darraystay in laga reebo oo la badbaadiyo, waxaanay dhaawac soo gaadhsiiyeen Waraabayaashaasi Hooyada dhashay Gabadha ay boobeen oo ay kala baxeen gudaha Aqal-Soomaali Qoys degganaa.
Qoyskan Waraabuhu duullaanka ku qaaday, ayaa degganaa Deegaan lagu magacaabo Abbeesaleey oo qiyaastii dhawr iyo labaatan KM dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
Duullaankan ayaa waxay Waraabayaashani ku dileen Gabadh yar oo Saddex sano jir ahayd, iyagoo ka qaatay sida ay Hiiraan u sheegtay Ubax Cabdi Maxamed oo Habaryar u ah Gabdha gudaha Aqal- Soomaali qoyskoodu degganaa; iyadoo ay qaylinayaan Hooyadeed, Aabbaheed iyo Caruurtii la dhashay Gabadhaas Waraabuhu qaatay.
Isku-dayo badan oo dadku sameeyaan, ayaan lagu guulaysan in laga badbaadiyo Gabadha yar, waxaanay Waraabayaashu dhaawac gaadhsiiyeen Hooyada dhashay Gabadhaas yar, iyaddoo illaa hadda aan caafimaadkeedu fiicnayn sida ay HOL u sheegtay Faadumo Warsame Cabdi oo Ayeeyo u ahayd Gabadha Waraabuhu qaatay.
Gabadhan yar ayaa noqonaysa tii labaad ee isla reerkan uu ka qaato Waraabe xilli haatan sannad laga joogo; xilligaasoo weerar xoog ah uu kaga qaatay Wiil ay Ayeeyo u tahay Faadumo Warsame oo ilmahanna Ayeeyo u ah.
Duullaanka Waraabaha oo la sheegay in uu bilihii u dambeeyey ku waajahnaa dadka dega deegaanka Adhi-caddeeye, iyadoo dadka qaarkii sheegayaan in Colaad lagula kacay Waraabaha ay salka ku hayso duullaanka haatan dadka galaaftay.
Maxamuud Bille oo dadka deegaanka ka tirsan, ayaa Hiiraan.com u sheegay in Waraabuhu uu hadba meel isku urursado oo reero duullaan ku qaado, balse badanaa difaac lagala hor-tago lagaga badbaadi jiray iyagana waxyeello loogu geysto, waxaanu sheegay inaanu Xoolaha eegin ee uu si toos ah dadka u abbaaro.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment