
"Marka hore annagu waxaanu nahay Baarlamaan, golaha Guurtiduna waa Odeyaal dhaqan oo odeyaashii dhaqanka ayaanu nahay, marka horena dacwadan uu naga gudbiyey waxaa uu u cuskaday qodabka 89aad ee distoorka, distoorkiina waanigan gacanta ku haya anigu, waxaa aynu wax ku nahayna waa distoorka oo aanu xildhibaanka ku nahay, umaddana aanu ku metalayno, wax ka siyaado ah oo aanu nahayna ma jirto, waxaan u arkaa in kaasi gef yahay aniguna aanan waxba ku xad gudbin distoorka qodobka 83aad iyo mid kale toona in aanan ku xad gudbin, ayaan anigu qabaa,” Sidaas waxa yidhi Xildhibaan Obsiiye oo warbaahinta la hadlayey.
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaan qabaa marka hore anigu xildhibaan ayaan ahay distoorka qarankuna waxaa uu xaq ii siinayaa oo xuquuqda muwaadinimada aan ku leeyahay in aan ra'yigayga aan u gudbiyo si toosan, si dadban si suugaamaysan, si mudaharaad haddii ay arrintu tahay si walba xalaal ayaa uu iiga dhigayaa, waxaana distoorku leeyahay waxii muwaadinka ra'yigiisa dhaafsiisan haddii uu soo jeediyo looma qabsan karo taas waan cuskanayaa, waxaana aan leeyahya xaq ayaan u leeyahay taas, kumanaan xad gudbin, qodobka la ileeyahay laftiisa haddii aan soo qaato qodobka 83aad ee dastuurku waxaa uu leeyahay haddi doorashada madaxweynaha iyo ta madaxweyne ku xigeenku ay dhici weydo arrimo nabad galyo aawadood, waxaana arrintaas xaq u leh in ay eegaan oo baadhaan oo qiyaasaan wakhtiga lagaga baxaayo arrimaas waa golaha Guurtida, maanta wax nabad galyo la'aan ah oo jirtaa ma jirto mid baahsan iyo mid kooban toona, dalkeenu waa maalintii uu ugu deganaanshiyo badan yahay.”
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland
No comments:
Post a Comment