Sunday, June 7, 2015

Guurtida oo Fasax dheer galay, Gud. Saleebaan oo ku Adkaystay go’aankiisii hore, Mowqifka Xisbiyada iyo Heshiiskii khilaafka Muddo-kordhinta oo u Muuqda mid Fashilmay

Hargeysa, 07 June, 2015 (Himilo)- Golaha Guurtida Somaliland, ayaa galay fasax muddo laba bilood ah iyada oo ay taagan tahay muranka ka aloosan muddo-kordhinta golahaasi u sameeyey Xukuumadda iyo Golaha Wakiillada.
???????????????????????????????Fadhi shalay Golaha Guurtidu yeeshay oo uu shir-gudoominayey Guddoomiyaha Golahaas Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hor intii aan mudaneyaasha Golaha lagu war-gelin Fasaxa laba bilood ah, waxa uu guddoomiye Saleebaan ka sheegay inuu sharci lama-taabtaan ah yahay Go’aankii muddo-kordhinta Xukuumadda.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida waxa uu ku dooday in Go’aankoodaasi yahay mid Dastuuriyan ah isla markaana haddii laga noqdo meel lagaga dhacayo dastuurka dalka oo xusay inay saamayn ku yeelan doonto jiritaanka dalka.
Md Saleebaan waxa uu kale oo uu fadhiga ka sheegay xaaladda gobollada dalka qaarkood, gaar ahaan Colaado ka taagan degmooyinka Taleex iyo Buhoodle, waxaanu sheegay in uu waajibad ka saaran yahay Golahooda sidii loo soo af-jari lahaa colaadahaas. Waxa uu guddoomiyaha Guurtidu nasiib-darro ku tilmaamay in gogosha nabadeed ee loo fidiyey beelaha dirirtu ku dhexmartay degmada Taleex laga dhigo degmada Oog ee isla gobolka Sool oo uu sheegay inay aad uga fogtahay, waxaanu taas beddelkeeda soo jeediyey in Gogosha nabbada la dhigo Taleex, labada beeloodna halkaas lagu heshiisiiyo.
Md Saleebaan Maxamuud Aadan waxa kale oo uu ka hadlay shir-nabadeed deegaanka Coodanle uga socda beelaha Qorulugud iyo Buuhoodle oo wejigiisii u dambeeyey maraya, waxaanu xusay in shirkaasi meel fiican marayo, labada beelood wax badan isla garteen oo ka heshiiyeen.
Intaas kaddib, waxa uu Md Saleebaan Xildhibaannada Golaha Guurtida ku war-geliyey in Goluhu fasax yahay muddo laba bilood ah.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida ooh ore u shaaciyeyin inaanu golahoodu ka noqon doonin go’aanka muddo-kordhinta, ayaa meesha ka saaray heshiis is-garad oo xukuumadda iyo Xisbiyada mucaaradku ku xalliyeen khilaaf siyaasadeed ka dhashay go’aankaas muddo-kordhinta oo muddo laba sanno ah dib u dhigay doorashada madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada oo hore loogu muddeeyey bishan 26-ka bisha June ee sannadkan.
Xisbiyada Mucaaradka, ayaa guddoomiye Saleebaan ku eedeeyey inuu qalalaase siyaasadeed oo hor leh ka abuurayo dalka, isla markaana uu xukuumadda ku taageerayo muddo-kordhinta, maadama oo xisbiyada Qaranka iyo Xukuumaddu heshiis ay ku qanacsan yihiin ka gaadheen khilaafkii jiray.
Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa dhinaca xukuumadda ku riixay go’aan ka qaashada heshiiskii dhexmaray xisbiyada iyo xukuumadda. “Xisbi ahaan waanu ka tashanaynaa waxaanu qaadayno, laakiin sharciyan immika xukuumadday u taallaa inay Maxkamadda Dastuuriga ah u gudbiso dacwad ka dhan go’aanka Guurtida. Guddiga Doorashooyinkana waxa looga fadhiyaa inay soo saaraan maalinta doorashadu dalka ka dhacayso bisha December badhtamaheeda maalin ka mida, kadibna uu digreeto ku saxeexo oo ku sharciyowdo,” Sidaas waxa yidhi Afhayeenka Xisbiga Waddani oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey mowqifka Guddoomiye Saleebaan iska taagay Heshiiskii Xisbiyada Dhexmaray.
In kasta oo Guddoomiye Saleebaan sheegay in go’aanka Golaha Guurtida ee muddo-kordhintu yahay qodob dastuuri ah, haddana Xisbiyada mucaaradka ayaa aaminsan in heshiis kasta oo metalayaasha siyaasadda Somaliland ka gaadhaan doorashooyinku sharci u yahay dalka. “Heshiisbaa la galay, dalka sharcigiisuna waa weeyi wixii lagu heshiiyo ayuunbaa sharci ah. Immisa sharci oo jiray, ayaa ergo laga galay oo waliba Saleebaan laftigiisu ergo ka galay, dabadeedna wixii lagu heshiiyeybaa sharci noqday,” Sidaasna waxa yidhi murashaxa madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga UCID oo isaguna u warramay Wargeyska Himilo dhowaan.
Himilomedia.com
Hargeisa-somaliland

No comments:

Post a Comment