Wednesday, July 8, 2015

Dadka Gaagaaban ee Hargeysa ku Nool oo samaystay Urur ay ku midaysan yihiin.

Hargeysa, 08 June, 2015 (Himilo)- Dadka gaagaaban ee ku nool magaalada Hargeysa, ayaa samaystay Urur ay leeyihiin oo difaaca danahooda, kana shaqeeya horumarkooda, kaas oo Kulminaya 12 Qof oo ay magaalada ku joogaan.
Shucayb Xasan Ducaale, oo dhawr iyo sodon jir ah, Nimco Cabdi, oo 19 jir ah iyo Mustafe Xasan Axmed(Mustafe Gaab), oo 29 jir ah oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, waxa ay cabasho ka muujiyeen bulshada ay ku dhex-nool yihiin oo ay sheegeen inay qaarkood inta badan ilaaqaan islamarkaana layaab ka muujiyaan abuurkooda.
Saddexdan qof ayaa sheegay inay dhammaantood dadka kala kulmaan arrimo isku mid ah kuwaasi oo ku saabsan in lagu dacaayadeeyo gaabnidooda ama dadku kaga riwaayadsadaan, mararka qaarna looba arko caruur yaryar.
Waxa ay sheegeen inay Hargeysa ku joogaan 12 qof oo gaagaaban, halka ay Burco kaga war hayaan 15 qof oo gaagaaban, waxaanu ururkan u gaarka ahi ka shaqayn doonaa danahooda.
“Waxaanu samaysanay Ururka dadka ugu gaagaaban Somaliland, markaanu aragnay in Ururka dadka gaagaabani ka maqan yahay Somaliland, ayaanu ku fikiray sidii aanu xaqayaga iyo xuquuqdayada u soo dhacsan lahayn,waxaanuna dhawaan u samayn doonaa xafladdii furitaanka, dhinaca kale marka aanu bulshada ku dhex noolahay aad bay noogu mashquulaan oo qaar baabay baabuurtu jiidhaa siday noo eegayaan,” Sidaa waxa yidhi Mustafe Gaab oo ah farsamo-yaqaan ka hawl-gala Radio Hargeysa.
Mustafe Gaab waxa uu bulshada ugu baaqay inaanay ku mashquulin abuurkooda, “Waxaan dadweynaha u soo jeedin lahaa inay ilaaqda naga daayaan oo ay u arkaan inaanu nahay dad dadka la mid ah oo bulshada la nool,” ayuu yidhi Mustafe.
Shucayb Xasan Ducaale, ayaa isna ka sheekeeyay waxyaabaha uu bulshada kala kulmo,“Mararka qaar bay ninkaygaa weyn ciyaalku I jiitaan ba oo yidhaahdaan Inankan yar la ciyaar, markaa siyaasad iyo farsamo ayaan iskaga dhiciyaa,” ayuu yidhi Shucayb.


Himilo Media
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment