Wednesday, July 8, 2015

Tirada Dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay weerar ay Al-Shabaab ka fulisay gudaha Kenya.

Mandheera, 08 July, 2015 (Himilo)- Ugu yaraan 14 Ruux ayaa ku dhintay, illaa toban qof oo kalena way ku dhaawacmeen weerar ay Malleeshiyada AL-Shabaab kooxo ka tirsani ka fuliyeen mid ka mid ah Xaafadaha gudaha degmada Mandheera oo ka tirsan gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.
Guddoomiyaha Degmada Mandheera Alex Ole Nkoyo, ayaa xaqiijiyay weerarkaan oo ka dhacay niskii dambe ee habeen-hore Abbaaro kawdii Habeennimo Xaafadda Soko Mbuzi oo ka tirsan degmada Mandheera, gobolka Waqooyi-Bari ee waddanka Kenya.
Guddoomiye Nkoyo, ayaa sheegay in kooxo hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ay weerar xooggan kusoo qaadeen Xaafaddaas xilli ay dadku hurdayeen. Isagoo xusay in inta badan dadku ay jiifeen teendhooyin guryahooda ku hor-yaalla, kuleyl jira awgiis, waxaanu yidhi; “Xoogagga weerrarka soo qaaday waxay teendhooyinkii ay dadku jiifeen ku tuureen bam-gacmeedyo, kaddibna waxay ku billaabeen rasaas nool.”
Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Mandheera, ayaa sheegay inta badan dadka la dilay iyo kuwa la dhaawacay ay ahaayeen dad isku xidhan oo Shaqaale ah, iyadoo ay dadkii ka badbaaday weerarkan ay sheegeen in xoogaggii soo weeraray goobta ka baxsadeen markii ay soo gaadheen goobta Ciidammada Booliiska dalka Kenya.
Xildhibaan Billow Aadan Keerow oo laga soo doorto Mandheera, ayaa Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da u sheegay in weerarka ay ka dambeeyeen illaa 20 qof oo hubaysan, kuwaasoo ay Ciidammada Booliska degmada Rasaas is-weydaarsadeen. Waxaanu ku eedeeyey weerarkaas sida uu u dhacay marka loo eego inay Kooxda Al-Shabaab ka dambaysay oo ay iyagu geysteen.
Sidoo kale, waxa uu Xildhibaan Keerow sheegay in dadka weerarka lagu dilay ay ahaayeen Muwaaddiniin u dhashay Kenya oo aan Soomaalida Kenya aheyn oo ka shaqeynayay dhismo iyo hawlo kale. Xildhibaan Bilaw waxa uu cambaareeyey weerarrada kan oo kale ah ee Al-Shabaab Bisha Barakaysan ee Ramadaan ku laynayso dad aan waxba galabsan.
Kooxda Al-Shabaab, ayaa tan iyo sannadkii 2011-kii markii ay Ciidammada Millateriga dawladda Kenya ay soo galeen gudaha waddanka Soomaaliya, kuwaasoo markii dambena qayb ka noqday Ciidammada nabad-ilaalinta ee Midawga Afrika (AMISOM), waxay weerarro is-daba-joog ah oo dad badan galaaftay ka geysanayeen gudaha Kenya, iyagoo illaa Caasimadda Nairobi ka fuliyey weerarro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac badan dhaliyey.
Waxay Al-Shabaab ku dooddaa inay ka aar-gudanayso dawladda Kenya oo ay sheegaan inay Ciidammadeeda Soomaaliya joogaa dhibaatooyin badan iyo tacaddiyo kala duwan ku hayaan Bulshada Soomaaliyeed, isla markaana aanay joojin doonin weerarrada inta ay Ciidankeeda kala baxayso Soomaaliya.


Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment