Thursday, July 2, 2015

Hargeysa: Qayla-dhaan ka taagan Qurbuuro la baloodhaystay oo Dad Is-xilqaamay Gurmad ugu kaceen iyo Baaqa Culimo ka hadashay

“Xabaalahani waxay ka mid yihiin kuwa la dayacay ee dadku ka dhigteen meelo ay leeyihiin oo waxaad mooddaa inay Cabsidii Illaahay iyo xurmadii Islaamku meesha ka baxeen.”

Hargeysa, 02 July, 2015 (Himilo)- Culimo-awdiin iyo dad iskood isku xil-qaamay, ayaa u kacay inay dhisme deyr ah ku wareejiyaan Qubuuraha ku yaala Xaafadda Sheedaha ee Woqooyiga Hargeysa oo muddo badan dayacnaa, qaybo ka mid ah dhismeyaal iyo seesas laga samaystay.
xabaalahaaaXaabaalaha Sheedaha oo wakhti hore buuxsamay, xilliganna badhtamaha magaalada ku yaalla, waxa shalay booqasho ku tagay xilli culimo ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland, kuwaas oo dadka dhismayaasha ka samaystay ugu baaqay inay guuraan isla markaana banneeyaan.
Culimada wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee shalay booqday oo ay ka mid yihiin Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax iyo Sheekh Yuusuf Cabdi Xoorre, ayaa baaq u diray qaybaha bulshada inay ka qayb-qaataan dhismaha deyrka lagu wareejinayo Xabaalaha oo masaafo dhow u jira Waddamada 150-ka.
“Xabaalaha Meytida ha ku tacaddiyina, lagama saari karo oo meesha iyagaa iska leh, saddex Xusul bay ku leeyihiin, saddexdaas xusul ku-qabsigooduna waa innaga xaaraan, Nebiguna wuu innaga xaaraantimeyey, dadkana ciqaab fara-badan iyo dhibaatooyinbaa ugu sugan, cudurro ay garan-waayaan baa ku soo bixi doona haddii aan layska ilaalin oo aan laga guurin meesha ay xabaashu tahay,” Sidaas waxa yidhi Sheekh Yuusuf Cabdi Xoorre oo saxaafadda la hadlayey shalay.
Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Faarax oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa bulshada ugu baaqay inay ka qayb-qaataan dhismaha deyrka lagu wareejinayo xabaalaha iyagoo uga faa’idaysanaya Fadliga bisha Ramadaan ee lagu gudo-jiro.
“Xabaalaha fara-badan ayaa ka jira magaalada oo qaarna la daryeelay qaarkood dayacan yihiin, Xabaalahani waxay ka mid yihiin kuwa la dayacay ee dadku ka dhigteen meelo ay leeyihiin oo waxaad mooddaa inay Cabsidii Illaahay iyo xurmadii Islaamku meesha ka baxeen,” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Cabdiraxmaan.
Sidoo kale, waxa halkaas ka hadlay wax-garad iyo odayaal ka tirsan Xaafadda Sheedaha ee Xabaaluhu ku yaallaan, waxaanay Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ugu baaqeen inay ka qayb-qaataan qaadhaanka dhismaha deyrka lagu wareejinayo.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland

No comments:

Post a Comment