
Axmed Muumin Seed oo saxaafadda kula hadlayey magaalada Boorama shalay, waxa uu yidhi, “Qarankeenan marka xaaladdiisa guud la eego waa nabad galyo laakiin, waxaa marag ma doon ah in xukumadda Siilaanyo baryahan dambe caado ka dhigatay in dadka reer Awdal la beegsado oo la cabsi galiyo. Dadka reer Awdal ee qurbejoogta ah ee muddada badan dalkooda hooyo ka maqnaa ee ah dadka Somaliland wax tara ee ka soo qayb qaata qaadhaanka Waddooyinka, Dhakhtarada iyo dhinac walba, kuwaas oo dalka ku soo guryo noqday si xun loola dhaqmay oo habbeennadii u dambeysay imika dad badan guryaha loogu daatay oo la qabqabtay kadib marka laba cisho la hayana la iska soo daynayo.”
Axmed Muumin Seed waxa uu xukuuumadda kula taliyey, “Waa in dabagal lagu sameeyaa oo la hubsadaa in qofku dambiile yahay laakiin, dadka qaar haddii la beegsado oo la yidhaa hebel baad ku xidhan tihiin, taasi waxay keeni doontaa nabad galyo darro saamaysa Somaliland, markaa waxaanu xukumadda ugu digaynaa inaan reer Awdal gayin culayskan lagu hayo, waa dadkii Somaliland aasaasay, waa dad nabadgalyada jecel, waa dad aqoon leh,” Sidaas ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.
Himilomedia.com
Hargeisa-Somaliland
No comments:
Post a Comment