Hargeysa, 08 July, 2015 (Himilo)- Maamulka dawlada hoose ee Hargeysa iyo Guddida Horumarinta Caasimadda, ayaa shalay si wada jira u shaaciyey dib-u-dhis iyo dayac-tir balaadhan oo lagu samaynayo Waddada ka timaadda garoonka diyaaradaha ilaa saldhigga Dhexe ee magaalada Hargeysa.
Guddida Horumarinta Caasimadda Hargeysa iyo Maamulka Dawlada hoose oo si wada-jir ah shir-jaraa’id ugu qabtay xarunta Golaha Deegaanka, waxa goob-joog ka ahaa maayar ku-xigeenka caasimadda Cabdicasiis Caga-weyne, xildhibaan Xasan Shahar iyo Xubnaha Guddiga Horumarinta Caasimadda.
Maayar ku xigeenka Hargeysa ahna ku-simaha maayarka Caasimadda oo ugu horayn ka hadlay kulanka, ayaa guddida horumarinta caasimadda uga mahadceliyey wax-qabadayada mashaarii ay hore uga qayb-qaateen oo magaalada Laga fuliyey, waxaanu ka codsaday inay la garab galaan mashruucan dib loogu dhisayo waddadaas. “Waxaanu doonaynaa oo aanu ugu yeedhnay guddida horumarinta caasimadda Hargeysa ee waxqabadka ka hir geliyey caasimadda, waxaanan ka codsanaynaa oo aanu in badan kala hadalnay inay nagala shaqeeyaan hagaajinta waddada weyn ee ka timaadda garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa soona gaadha ilaa badhtamaha suuqa caasimadda, waxaana ku-xigi doono waddo weyn oo noqon doonta waddada labaad ee caasimada, taas oo dhakhtarka weyn dabadiisa soo mari doonta, horumarka intaas leegina waxa uu u baahan yahay in si wada jir ah looga wada shaqeeyo, miisaaniyadda Dawlada Hoose waanu ku tala galnay, waxna Dawlada Dhexe ayaanu ka soo qaadaynaa, qaybta saddexaad ee aanu guddida ugu yeedhnay waxa weeyaan in ganacsatada, dhammaan iskaashatooyinka, tijaarta iyo bacadlayaasha in qof kastaaba ka qayb galo, waxaanan ballan-qaadaynaa inaanu wax badan ka beddeli doono horumarka caasimadda Hargeysa,” Sidaas ayuu yidhi Maayar ku-xigeenka Caasimadda Hargeysa.
Maayarka ku xigeenka ayaa sidoo kale shaaciyey inay wadada ka timaada garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa ka dhigi doonaan afar haad oo ay baabuurti si wada jira u adeegsadaan, isaga oo sidoo kale sheegay inay dayactir ku samayn doonaan waddada hormarta garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium.
Guddoomiye ku xigeenka guddida horumarinta caasimada Hargeysa Xasan Cabdisalaan oo isaguna ka hadlay shirka jaraa’id, ayaa yidhi, “Maanta (shalay) waxaynu u wada joognaa inay go’aan ka wada gaadhno wax-ka-qabadka dhinaca horumarinta caasimadda oo aynu hore uga soo wada shaqaynayn, aad ayeynu isku dhaliilnaa gaar ahaana Dawlada hoose waynu dhaliilnaa oo aynu ku dhaliilno inay xashiishka inaga hagaajin waayeen ama waddooyinka wax ka qaban waayeen, maanta waa ilaahay mahaddi mar haddii ay muhiimadda koowaad u arkeen waddooyinka oo ay doonayaan inaanu wax kala qabano, guddi ahaan soo-jeedinta golaha deegaanka waanu qaadanaynaa diyaarna waanu u nahay inaanu intii itaalkayaga ah wax ka qabano, waddooyinka oo aynu iska hagaajinana sharaf weyn ayaa ku jirta.”
Sidoo kale waxa kulanak ka hadlay xubno ka mid ah guddida horumarinta caasimada Hargeysa iyo xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka., kuwaas oo dhamaantood soo jeediyey in lagu wada dedaalo sidii loo dhamaystiri lahaa dib-u-dhiska lagu samayno wadooyinkaas iyo kor-uqaadista bilicda caasimadda.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment