Saturday, July 4, 2015

Maalmaha Soonka la reebay (Diidey)

Soonka oo ah cibaado qiima badan isla markaana ah cibaadooyinka Illaahay loogu dhowaado kuwa ugu mudan, haddana waxa jira maalmo sharcigu inoo diidey in la soomo, waxaana ka mid ah:

1. Soonka Maalmaha Labada Ciidood.
2. Soonka Maalmaha Tashriiqa.
3. Soonka Maalinta Shakiga.
4. Soonka Sabtida keliya.
5. Soonka Jimcaha keliya.
6. Soonka Sannadka oo dhan.
7. In Gabadhu Soonto ninkeeda oo jooga oon fasax siin.
8. Soonka oo la xidhiidhiyo [laba maalmood iyo ka badan oo dabada la isu geliyo afur la’aan].

Soonka Labada maalmood ee ciidka (Ciidka Carafo, & Ciidka Soonfur). Nebiga SCW waxa ka soo arrooray inuu diidey in la soomo maalmaha labada Ciidood wuxuuna yidhi: "Cumar Binu Khadaab wuxuu yidhi: Rasuulku wuxuu diidey in la soomo labadan Maalmood, Maalinta afurka ee Soonka laga afuro, Maalinta Udxiyadana cuna wixii aad qasheen”. Cullimaduna way isku raacsan yihiin in aan labadaa maalmood la soomi Karin.

Soonka maalmaha Tashriiqa oo ah Saddexda Cisho ee ka danbeeya Maalinta Ciidul udxiyaha, Nebigu SCW wuu diidey in la soomo wuxuu ku tilmaamay inay yihiin maalmo wax la cuno lana cabbo, wuxuu yidhi:
“Nebigu SCW wuxuu udiray Saxaabiga Cabdulaahi binu Xudaafa Mina, wuxuu yidhi “Ha soomina maalmahan waa maalmo wax la cuno waxna la cabbo, Illaahayna la xuso”. Mad’habka shaaficiya wuxuu banneeyey Soonka sababta leh in maalmahan la soomi karo, sida Soonka Nadarka, Soonka kafaarada ka waajiba iwm. Cullimadu waxa kale oo ay isku khilaafeen maalmaha ka danbeeya ciidul udxiyaha ee la diidey ma saddexda ka danbeeyaa oo ciidkaa ku afar ah, mise waa ciidka iyo laba casho oo ka danbeeya, Cullimada badidoodu waxay qabaan ciidka iyo laba casho oo ka danbeeya, halka ibnu Cabbaas laga weriyey inay yihiin ciidka iyo saddex cisho oo ka danbeeya.

Soonka Maalinta Shakiga, Nebigu SCW wuu diidey, waxa uu Xadiis ku yidhi:
“Soonka ha kala hor marina Maalin ama laba maalmood inuu yahay Soon hore uu u soomi jirey mooyee, markaa ha iska soomo”.

Haddii Soonku yahay mid Qofku hore u soomi jirey sida maalmaha Isniinta & khamiista oo uu ku soo beegmo Soonkii Ramadaan Maalin ama laba ka hor wuu soomayaa, waxa kale oo la mid ah haddii uu qalle waajib ah lagu lahaa oo uu ka dedejisanayo inta aan Soonku soo gelin.Imaamka Abuu Ciise Atarmadi wuxuu yidhi sidaa ayaa ahlu cilmigu badidoodu ku tageen. Haddaba haddii Qofku is yidhaahdo ka hor deg oo yaan Soonku ku dhaafin ma ansaxayo ee waxa la doonayaa in yaqiin lagu soomo.

Soonka Sabtida iyo Jimcaha oo mid kastaba gaar loo Soomo isagana Nebigu SCW wuu diidey wuxuu Xadiis ku yidhi: “Ha soomina Maalinta Sabtida,Soon faral ah mooyee, xattaa haddii aad waydaan diir cinab maahee wax kale, ama laan geed maahee wax kale ha calaashado”. Xadiisku wuxuu inoo sheegayaa in Maalinta Sabtida aan keligeed la soomin, waxa Nebigu SCW ku macneeyey in ay tahay Maalin ay Yuhuudu wayneeyaan, waxa kale oo Nebiga SCW laga weriyey inuu soomi jirey labada maalmood ee Axadda iyo sabtida oo odhan jirey waxaan u soomayaa waa laba maalmood oo Ahlu kitaabku wayneeyaan Aniguna waan khilaafayaa.

In aan Sabtida keligeed la soomin waxa ku camal falay Saddexda mad’hab ee Shaaficiyada, Xanaabilada & Xanafiyada, mad’habka maalikiya way baneeyeen in Sabtida la soomo, wax karaahiyo ahna uma arkaan, laakiin Xadiiska Rasuulka ayaa daliil ku ah. “Qofna yuu soomin Maalinta jimcaha, inuu Maalin ka horraysa ama ka danbaysa soomo mooyaane”.
Soonka Jimcaha oo keligii la soomo isagana sida Xadiiska ka muuqata Nebigu SCW wuu diidey, Waayo Jimcuhu waa Ciidka Asbuuca ee Muslimiinta, markaa in Soon lagu gaar yeelo maaha, laakiin Jamhuurta Fuqhadu waxay u arkeen karaahiyo aan sidaa u sii cuslayn, laakiin Xadiiska Nebiga SCW ayaa daliil u ah.

Sannadka oo dhan in Qofka Muslimka ahi soomanaado isagana Nebigu SCW wuu diidey wuxuu yidhi:“Soon uma jiro Qofka weligii Soomanaada”. Ama " kan weligii soomaa ma soomin". Qofku inuu Sannadkoo dhan soomo Nebigu SCW wuu diidey, Sababtu waxay tahay Qofka naftiisa iyo ehelkiisuba waxay ku leeyihiin xaq, lamana rabo inuu ku xad gudbo, waxa kale oo meesha ku jira, in ay jiraan maalmo la diidey in la soomo sida maalmaha Ciidka iyo Saddexda Cisho ee ayaamu Tashriiqa, Cullimada qaar waxay yidhaahdeen haddii uu maalmahaas afuro inta kalena soomo Soonkiisu wuu u ansaxayaa, laakiin Soonka ugu fiicani waa in Qofku Maalina soomo Maalina afuro, Soonkaas oo ah Soonkii Nebi Daawuud.
Soonka la diidey waxa ka mid ah: in Gabadhu Soonto Ninkeeda oo jooga oo aan fasax siin, sidaa waxa Xadiis ku sheegay Nebiga SCW :“Yaanay soomin Gabadhu Maalin keliya, ninkeeda oo jooga, isagoo u ogolaada mooyee, wixii aan ahayn Ramadaan”. Xadiiskani wuxuu ina tusayaa in aan Gabadhu soomin iyadoo aan ninkeedu u ogolaan, kaasoo ah Soonkii sunaha ahaa, waayo xaqa uu ku leeyahay ayaa ka weyn Soonka, waxaana suurtoowda inuu u baahdo iyadoo sooman, sidaa darteed haddii uu xaqiisa ka tanaasulo ayuun bay soomi kartaa.

Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment