Mombasa, 04 Julay, 2015-(Himilo)- Ciidanka Booliiska Kenya ayaa wada baadhitaan ay ku raadinayaan ciddii ka dambeysey dilka mid ka mid ahaa Ciidammada Sirdoonka Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo NIS (National Intelligence Service) oo habeen-hore lagu dilay magaalada Mombasa.
Taliyaha Ciidamada Booliska magaalada Mombasa Robert Kitur, ayaa sheegey in hawl-gallada lagu baadi-goobaayo dadkii ka dambeyay dilkaas ay ka socdaan magaalada Mombasa iyo nawaaxigeeda, waxaanu intaas ku daray in Dembiilayaasha gacanta lagu soo dhigi doono.
Shir jaraa'id oo uu ku qabtay shalay magaaladaas Salaadii Jimcaha ka dib, ayuu kusoo bandhigay Taliyuhu Sawirrada iyo magaca nin lagu sheegay inuu dilkaas ka dambeeyay oo lagu magacaabo Ismaaciil Soshi, kaasoo sidoo kale Taliyuhu uu ku eedeyay inuu fuliyey weerarro hore oo xidhiidh ah iyo weliba dilal ka dhacay gudaha magaaladaas.
Askariga la dilay oo ka hawl-gali jiray magaalada Nairobi, isla markaana lagu magacaabi jiray Hashim Cumar, ayaa la sheegay inuu maalmo ka hor u tagay Mombasa si uu u booqdo Qoyskiisa oo halkaas deggan. Wuxuu sidoo kale ka tirsanaa Ciidammada Sirdoonka Kenya, waxaana dilkiisa fuliyay habeen-hore Rag la sheegay inay Wejiyada qarsadeen, kuwaasoo shan xabbadood ku dhuftay xilli uu Marxuumku ka soo baxaayay Masaajid lagu magacaabo Hanisa oo ku yaalla Xaafadda Mlango ee magaalada Mombasa oo Salaaddii Maqrib uu ku tukaday.
Shacabka ku dhaqan magaalada Mombasa ee gobalka xeebta ee dalka Kenya, ayaa dilkaas ka dib waxey ugu baaqeen dawlada inay wax ka qabato falal-dambiyeedka ka dhaca gobalkaas ee lagu bartilmaameedsado dadka aanan waxba galabsan iyo kuwa Shacabka u shaqeeya.
Dilkan, ayaa ku soo beegmaaya iyadoo lagu jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaanka oo inta badan dawlada kenya ay sheegtay inay sugi doonto amniga, isla markaana ay ka hortagi doonto cid kasta oo damacsan inay dhibaato geysato.
Magaalada Mombasa, waxa hore uga dhacay dilal iyo weerarro lagu eedeyay inay ka dambeeyeen kooxo taageera Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya iyo Kenya ka dagaallama, waxaana laba bilood ka hor lagu dilay magaaladaas Sarakaal ka tirsanaa Ciidammada Dembi-baadhista Kenya ee magacooda ee C.I.D-da.
Dawladda Kenya, ayaa la daalaa-dhacaysa weerarrada iyo falalka argaggixiso ee ay Kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha dalkeeda, isla markaana aan weli xal u helin nabadgelyo-darrada ka soo waajaahday Kooxda Al-Shabaab oo ku doodda inay sii wadayso weerarro ay ugu yeedho inay yihiin kuwo ay kaga aargudanayso dhibaatooyinka ay Ciidammada Millateriga Kenya ee qaybta ka ah kuwa AMISOM ee Soomaaliya ku sugani ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya ee ay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed ee gobollada Koonfurta.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment