Muqdisho, 04 July, 2015-(Himilo)- Wakiilka Gaarka ah ee Midawga Afrika u qaabilksan Somalia isla markaana ah madaxa Ciidanka Nabad Ilaalinta Midawga Afrika ee AMISOM Ambassador Maman Sidikou ayaa beeniyey warar sheegaya in Ciidamada AMISOM ay dib uga oo guranayaan deegaannadii ay hore uga qabsadeen Al-shabaab, wakhti ay deegaanno hor leh ka baxeen.
War-Saxaafadeed uu soo saaray Ciidanka AMISOM, ayaa lagu sheegay; “Ambassador Sidikou wuxuu jecelyahay inuu idiin caddeeyo in Ciidamada AMISOM aanay ka baxayn magaalo ama goob kale oo ay ka qabsadeen Al-shabaab, taasoo u saamaxaysa Al-Shabaab inay mar kale dib ugu soo noqdaan, si ay waxyeello u gaadhsiiyaan Shacabka Soomaaliyeed ee nabadda jecel, sidii ay ku samayn jireen ka hor intii aan Ciidammada AMISOM iyo kuwa Soomaaliya hawlgallada bilaabin.”
Waxa uu qoraalka War-Saxaafadeedkan AMISOM ka soo baxay oo sii socday intaas ku daray oo lagu yidhi; “AMISOM iyo Ciidanka Soomaaliya waxay xilligan ku hawlan yihiin dib u qaabayn iyo is abaabul, sidii Ciidammo loo geyn lahaa, si dib loogu soo nooleeyo qorshe mar hore dejisnaa oo u suurogelisay in deegaannadan gacanta lagu dhigo, la xoojiyo, isla markaana la isku baahiyo gacan ku haynta illaa 80% ka mida dhulka ku yaalla Koonfurta Soomaaliya.”
Ambassador Sidikou, ayaa kula taliyey dhammaan dhinacyada Soomaalida inay iska ilaabaan wararka been-abuurka ah ee la doonayo in lagu abuuro cabsi-gelin iyo in sawir xun lagaga bixiyo Ciidammada AMISOM.
Warkan ka soo baxay Ciidammada AMISOM shalay, ayaa ku soo beegmaya iyada oo toddobaadkan ay Ciidammada Nabad-ilaalinta Midawga Afrika ay ka baxeen magaalooyin kala duwan oo ku yaalla gobolka Shabeellada Hoose oo ay ugu dambaysay Degmada Qoryoolay oo ay Khamiistii ka baxeen.
Himilo Media
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment