Tuesday, August 4, 2015

Britain oo wadda Qorshe ay kaga hor-tegayso Muhaajiriinta, una hanjabtay dadkeeda Saacida Tahriibayaasha

 

London, 04 August, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Britain ayaa ku dhawaaqday qorshayaal ay ku doonayso dad dhul haysta oo Mas'uul ka noqda ka Saaridda Guryaha dadka Tahriibayaasha ah ee Magangelyo-doonka haddii codsiyadooda la Aqbali waayo.
Wasiirka Bulshooyinka Britain Greg Clark, ayaa sheegay in Mulkiilayaasha dhulalka ee aan la socon dadka ay Guryaha ka kireystaan la xidhi doono muddo shan sannadood ah. Sidoo kale, Wasiirku wuxuu intaas ku daray in Sharcigan uu qabanayo dadka Guryaha iska leh ee lacagta ka sameeya soogalootiga sharci-darrada kusoo gala waddanka Ingiriiska.
Hadalka Mas'uulkan ayaa imanaya iyadoo uu kor u sii kacayo walaaca ka dhashay Tahriibayaasha ku sugan magaalo-xeebeedka Waddanka France ee Calais, kuwaasoo isku dayay dhawaan inay Britain u gudbaan, balse aan ku guulaysan.
Maalintii Axadda ee toddobaadkan ayuu Wasiirka Cadaaladda iyo Muhaajiriinta ee dalka Sweden Morgan Johansson, cambaareeyay hadal uu Raysal-wasaaraha Britain David Cameroon uu ku sheegay in dadka doonaya inay Britain soo galaan ay yihiin kuwo Sharci-daro ah.
Hase-yeeshee, Wasiirka Bulshooyinka Britain, ayaa sheegay inay waajib tahay in marka hore la dhageysto codsiyada dadka Magangalyo-doonka ah, balse haddii la aqbali waayo aanay wax xuquuq ah ku lahayn dalka, waxaamu waddanka Ingiriisku ka mid yahay dalalka ay inta badan dadka waddamada Afrika ka haajiraa beegsadaan ama ay aadka u tagaan.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment