Tuesday, August 4, 2015

Soomaaliya oo ka qayb-qaadanaysa Baadhista Musuqmaasuq loo haysto Shirkadda SOMA OIL oo ay heshiis kula jirto

 

Wasiir Ingiriis ah oo Guddoomiye ka ah Shirkaddan oo isagana Su’aalo la weydiinayo

Muqdisho, 04 August, 2015 (Himilo)- Xukuumadda Soomaaliya, ayaa Shaacisay inay gacan ka geysanayso baadhista lagu sameynayso eedeymo loo haysto Shirkadda SOMA OIL & GAS Exploration Limited (SOMA), taasoo la sheegay inay ku lug yeelatay arrimo musuqmaasuq.
Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, ayaa War-Saxaafadeed qoraal ah oo ay Isniintii shalay soo saartay ku sheegtay inay diyaar u tahay wada-shaqeyn buuxda oo arrinta baadhista Shirkadda SOMA OIL and GAS ku saabsan haddii laga codsado.
“Waxay Wasaaraddu qiraysaa inay 24-kii Abriil, 2014-kii, la Saxiixatay Shirkadda SOMA heshiis ku saabsan in Shirkaddu ay ka caawiso Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta DFS Kobciso Awooddeeda Waxqabad si ay u fuliso Hawlaha loo xil-saaray.” ayaa lagu yidhi War-Saxaafadeedka Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Soomaaliya ka soo baxay.
Wasaaraddu waxay sheegtay in soo kabashada dhaqaalaha dalka ay muhiim u tahay xasilloonida dalka Soomaaliya, waxaana Warkaas qoraalka ah oo sii socday lagu yidhi; “Keydadka Shidaalka iyo Gaaska Soomaaliya waa hanti Qaran oo ay tahay in la isticmaalo; taasoo ay danta Qaranku ku jirto. Annaga waxaa naga go’an inaan hadafkeenna ku gaadhno wada-shaqeyn iyo musuqmusuq la'aan.”
Hadalka Wasaaradda Bartoolka iyo Macdanta Soomaaliya, ayaa kusoo beegmaya xilli maalmo ka hor ay Xukuumadda Britain ayaa sheegtay inay ku sameynayso baadhis musuqmaasuq oo lagu soo eedeeyay Shirkadda SOMA OIL oo laga leedahay dalkaas, waxaana shirkaddan guddoomiye ka ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha xukuumadda Raysalwasaare David Cameroon oo lagu magacaabo Michael Howard, kaas oo looga yeedhay Xafiiska Daba-galka Musuq-maasuqa ee Britain oo su’aalo ka weydiinaya eedaha loo haysto. Musuqmaasuqyada Shirkaddaas lagu eedeeyey, ayaa la xidhiidha sida la sheegay wax is-daba-marin iyo laaluush dhinaca heshiisyada ah iyo kuwo kale.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment