Masagawaa, 18 August, 2015-(Himilo)- Diyaarado kuwa dagaalka ah, ayaa lagu soo warramayaa inay duqaymo xooggan u geysteen Xoogag ka tirsan Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka dagaallanta deegaanno ka tirsan gobolka Galguduud ee dalka Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay inay ugu yaraan saddex Gadhi oo ku burburiyeen gantaallo ay ku duqeeyeen, Askar iyo Saraakiil Kooxdaa ka tirsanina halkaas ku naf-waayeen.
Malleeshiyada Al-Shabaab Kooxo ka tirsan, ayaa iyaguna Axaddii weeraray deegaanno ka tirsan dalka Kenya, iyagoo qabsaday Tuulada lagu magacaabo Basuba oo ka tirsan gobolka Xeebta ee Lamu ee dalka Kneya. Kooxdaas ayaa tiro ahaan gaadhayey qiyaastii 100 Malleeshiyo oo aad u hubeysnaa, sida laga soo xigtay dadka deegaankaas. Sidaa waxa isaguna xaqiijiyey Ku-simaha Taliyaha Booliska Kenya Robert Kitur, waxaanu intaas ku daray inay tahay markii labaad ee Koox Al-Shabaab ka tirsani sidan oo kale u qabsato deegaan ku yaal gudaha dalkiisa.
Markii ay deegaankaas galeen, ayaa Kooxdaas Al-Shabaab ka tirsani waxay galeeen guryaha oo ay dadka kasoo saareen, kadibna intay meel isugu keeneen ay u khubeynayeen muddo hal saac iyo badh ah. Kuwa khudbeynayey ayaa la sheegay inay ahaayeen laba Dumara iyo laba Nin, kuwaasoo ay dadka deegaanku sheegeen inay u ekaayeen dad Carab ah, balse ay Luuqadda Ingiriisada kula hadlayeen sida ay qaarkood xuseen, iyaga oo wejiyada duuban.
Hase-yeeshee, Axaddii markii weerarkaasi dhacay, waxaa habeennimadii Isniintu soo galaysay, ayaa Diyaarado aan la caddayn cidda leh oo kuwa dagaalka ahi duqayeeyeen Gaadiid Al-Shabaab xoogag ka tirsani wateen meel u dhaw degmada Masagawaa ee gobolka Galguduud. Goob-joogeyaal ku Sugan Degmadaas oo Salaasadii Isniintii shalay la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay inay Duqeyntu ahayd mid xooggan, isla markaana ay arkeen Baabuurta Kooxda Al-Shabaab wadatay saddex ka tirsan oo gubtay.
“Xalay (habeen-hore) degmada waxaa ka dhacay duqeyn culus oo dhulka oo dhan nala ruxday, kuwaasoo lala beegsaday afar gaari oo ay wateen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka yimid deegaanka Galcad.” ayuu yidhi Goob-jooge magaciisa qariyay oo qaar ka mid ah Warbaahinta la hadlay isagoo ku sugan degmada Masagawaa ee gobolka Galguduud.
Sidoo kale, Goob-joogaha ayaa sheegay in saddex ka mida ah gaadiidkaas ay isla goobta ku burbureen ama gubteen, mid kalena uu baxsaday, waxaanu sheegay in aanay ogaan karin khasaaraha ka dhashay duqeynta. “Baabuurtii la duqeeyay saddex ka mid ah ayay khasaare xooggani soo gaadgay, kii afaraadna wuu baxsaday. Xoogag ka mid ah Al-Shabaab ayaa goobta oo dhan isku hareereeyay dadka shacabka ahna waa loo diiday inay tagaan, lama ogga illaa hadda khasaaraha ka dhashay, balse waxaan maqlay in Meydad iyo dhaawacyo meesha laga qaaday.” ayuu yidhi Goob-jooguhu.
Goob-joogaha ayaa intaas ku daray in Gaadiidka Al-shabaab oo ka ambabaxay fiidnimadii habeen-hore Degmada oo ay dorraad gaadheen lagu duqeeyay deegaan Degmada u jira 2-KM oo lagu magacaabo Baabuur-geddoon, waxaanu yidhi; “Ma jirto cid sheegi karta cidda gaadhiga wadatay, waxaanse u maleynaynaa inay ahaayeen Saraakiil, cid walba oo isku dayda inay aaddo tuulada xabbad ayaa lagu soo ridayaa… wax khasaare ah oo shacabka soo gaadhayna ma jirto.”
Dhinaca Kooxda Al-Shabaab, ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarradan oo ay soo saareen oo ay ku xaqiijiyeen jiritaanka wararka ama ay ku beeniyeen. Balse, Kooxda Al-Shabaab oo dagaalka ay Soomaaliya ka wadday ku ballaadhisay deegaannada dalka Kenya, ayaa dagaallo wada-jir ah kula jiraan Ciidammada dawladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwo ka socda dalalka Midawga Afrika (AMISOM) oo ay Safka hore kaga jiraan Kenya, Itoobiya, Uganda, Jabuuti iyo Brundi.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment