Tuesday, August 18, 2015
Hay’adda Khaliifa Foundation oo kormeer ku tegay deegaamada abaartu saamaysay ee Gobolka Gebilay
Gebilay 18 August, 2015 (Himilo)- Wefdi ka socday Haya’dda KHaliifa Foundation ee dalka Imaaraadka Carabta oo horkacayey Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaa Md. Baashe Cawil Cumar ayaa shalay kormeer ku tegay deegaamada abaarahu saameeyeen e egobolka Gebilay.
Wefdigan oo ka koobnaa Wasiirka Beeraha Somaliland, Wasiir-xigeenka Dawladaha Hoose ee Wasaarada Arrimaha Gudaha, Badhasaabka G Gebilay, Maayarka Degmada Gebilay ayaa kormeerkooda ku soo maray deegaamada koonfurta magaalada Gebilay, oo abaaro ba’an ka taagan yihiin.
Qaar ka mid ah dadweynahii goobahaa deganaa oo wefdiga uga waramay xaaladaha ay ku sugan yihiin ayaa sheegay inaanay hore u arkin baaxada saamaynta abaaraha wakhtigan ku yeesheen deegaamadooda, ilaahayna ka baryayaan inuu faraj kheyr-qaba siiyo.
“Sannadkan sida abaartu tahay wax aynu hore u ragnay maaha, dee ilaahay uun baa wax inoo haya, ilaahay baana ka faraji kara,” ayey tidhi haweenay ka mid dadkii deegaamada ku noolaa.
Maayarka degmada Gebilay Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in kormeer indho-indhayn ah wefdigan ka socda Imaaraadka Carbtu ku soo mareen deegaamada abaartu ka dhacday, isla markaana filayaan inay wax ka qabtaan.
Badhasaabka gobolka Gebilay Mustafe Cabdi Ciise (shiine) oo halkaa ka hadlaya ayaa sheegay in qoysas gaadhaya ilaa sagaal kun xukuumad ahaan ay raashin u qeybiyeen, laakiin dadka deegaamada abaartu saamaysay gaadhayaan ilaa labaatan kun oo qoys, isla markaan weli xukuumadu ku hawlan tahay waxtarka dadka abaarahu saameeyeen ee gobolka, soona dhoweynayaan cid kastoo wax ka geysanaysa.
Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil Cumar oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ujeedada socdaalka wefdiga uu hogaaminayo tahay inay u kuurgalaan abaarahii dalka ka dhacay, isla markaana socdaalo ku soo mareen qeybo ka mid ah deegaamdii abaarahu ka dhaceen.
Md. Baashe Cawil Cumar ayaa wargeyska Himilo u sheegay in wefdiga ka socda hay’adda Khaliifa Foundation ay maalinta arbacada berri ka bilaabi doonaan inay waxtar gaadhsiiyaan deegaamada ay kormeerka ku soo mareen.
Wefdigan ka socda hay’adda Khaliifa Foundation ee dalka Imaaraadka Carabta oo ku yimi baaq hore Madaxweynaha Somaliland ugu diray caalamka inay ka taageeraan abaaraha ka dhacay dalka ayaa la sheegay inay muddo labaatan maalmood ku sugnaan doonaan dalka, isla markaana booqasho ku tegi doonaan guud ahaan qeybo ka mid ah dalka ee abaarahu samaaeyeen, waxtarka ka geysan doonaan.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment