Wednesday, August 5, 2015
Dowladda Ingiriiska oo ballanqaadday taageerada nidaamka dib-u-habaynta Cadaaladda Somaliland
Safiirka Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya oo booqasho ku tagtay Bandhiga Caalamiga ee Buugaagta Hargeysa
Hargeysa 05 August, 2015 (Himilo)- Xukuumada Ingiriiska, ayaa ballanqaaday inay taageeri doonto nidaamka dib-u-habaynta cadaaladda Somaliland.
Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ms. Harriet Mathews oo booqasho ku timi Hargeysa shalay, isla markaana xafiiskiisa kulan kula yeelatay Gudoomiyaha Maxkamada Sare, ayaa sheegtay inay ka wada hadleen qorshihiisa ku waajahan nidaamka dib-u-habaynta cadaalada Somaliland.
Ms. Mathews oo Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo Su’aal ku saabsan ujeeddada socdaalkeeda iyo arrimaha ay ka wada-hadleen ku weydiiyey barta Twitter-ka uu kula xidhiidhay, waxa ay sheegtay in xukuumadda ay ka tirsan tahay ee Ingiriisku taageeri doonto nidaamka dib-u-habaynta cadaalada Somaliland.
Ms Mathew oo su’aashan ka jawaabaysay, waxa ay sheegtay in qorshaha taageero ee dowladdeedu ka geysanayso Cadaaladda uu yahay qorshe cusub, waxaanay tidhi, “Waa taageero cusub, muhiimaduna waa balaadhinta kaabayaasha, si loo helo cadaalad degdeg ah oo wanaagsan.”
Sidoo kale wargeyska Himilo oo isku deyey inuu tafaasiil dheeraad ah ka weydiiyo waxuu ku saabsanaa kulankii dhexmaray safiirka Ingiriiska Gudoomiyaha Maxkamada Sare, garyaqaan Aadan Xaaji Cali, nooma suurta-gelin inaanay khadka telefonka ku helno..
Dhinaca kale, safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ms. Mathews oo booqasho ku tagtay xarunta ay ka socoto bandhiga caalamiga sideedaad ee buugaagta Hargeysa ayaa sheegtay inay si weyn u soo dhoweynayso qabashada bandhigan, isla markaana tahay markii koowaad ee ay ka qeybgasho.
Ms. Mathews ayaa ku celisay taageeradeeda barnaamijyada dhaqanka iyo suugaanta ee bandhiga buugaagta Hargeysa ka mid tahay, isla markaana waxay kulamo la yeelatay naadiyada akhriska ee gobolada dalka iyo qorayaasha da’da yar ee Somaliland.
Xukuumada Ingiriiska ayaa taageero balaadhan ku bixisa bandhiga caalamiga ee buugaagta Hargeysa oo sannad walba lagu qabto caasimada Hargeysa.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment