Wednesday, August 5, 2015
Ujeeddada Socdaal ay gobollada Bari ugu Baxeen Wefti Heer Qaran ah oo Komishanka Doorashooyinku hoggaamiyo
Hargeysa, 05 August, 2015 (Himilo)- Wefti ka kooban Goleyaasha Qaranka iyo hay’adaha ay khuseeyaan Arrimaha Doorashooyinka oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Komishanka Md Cabdiqadir Iimaan Warsame, ayaa Salaasadii shalay socdaal Indho-indhayn ah ugu baxay gobollada Bari ee dalka.
Weftiga oo ay xubno ka yihiin Guddiga Doorashiiyinka, Xisbiyada Qaranka, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Gaashaan-dhigga, Goleyaasha Guurtida iyo Wakiillada, ayaa ujeeddada socdaalkoodu yahay mid ay ugu ugu kuur-galayaan xaaladda ammaanka ee gobollada Bari, gaar ahaan Sool iyo Sanaag-Bari iyagoo qiimeyn ku soo samayn doona qaabka gobolladaas ay uga hirgeli karto Diiwaangelinta Codbixiyeyayaasha Doorashooyinka oo la filayo inay dalka ka bilaabanto bilaha soo socda, waxaanu socdaalkoodu qaadan doonaa muddo laba todobaad ah, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka, Komishneer Siciid Cali Muuse.
“Ujeedo: Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo Kormeer shaqo ugu ambabaxay Gobalada Bariga Somaliland.
Maanta oo Salaaso ah 04/08/2015 waxa gobalada Bariga Somaliland ugu ambabaxay wafti Heer Qaran ah. Waftigaas oo uu hogaaminayo gudoomiyaha komishanka Doorashooyinka Qaranku Eng. Abdiqaadir Iimaan Warsame
Socdaalkan waxay ujeedadiisu tahay in loo kuur galo xaalada diiwaangalinta codbixiyayaasha doorashooyinka deegaamo ka tirsan gobalada Sool iyo Sanaag Bari iyo xaalada ammaan ee deegaamadaas.
Waftigan heerka qaran ah oo la filayo in socdaalkoodu qaato mudo laba todobaad ah waxay ka kala socdaan:
1.Gudida Komishanka Qaranka.
2. Saddexda xisbi qaran “KULMIYE, UCID iyo WADANI.
3. Wasaarada Gaashaandhiga.
4. Wasaarada Arimaha Gudaha.
5. Golaha Guurtida.
6. Golaha Wakiilada.” Sidaas ayuu Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Somaliland ku sheegay war-saxaafadeedka uu kaga hadlay socdaalka weftiga heer qaran ee shalay u anba-baxay gobollada Bari ee dalka.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment