Saturday, August 1, 2015
Madaxweynaha oo kormeeray Bukaan-jiifka Cusbitaalka Ceerigaabo, Ardayda Jaamacadda Sanaag-na la qalin-jabiyey
Weftiga madaxweynaha oo xalay Fiidkii ku soo hoyday Burco
Ceerigaabo, 01 August, 2015 (Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa kormeer uu xaaladdooda ugu kuur-galayo ku maray bukaan-jiifka cusbitaalka Guud ee magaalada Ceerigaabo, waxaanu kormeer ku maray waadhadhka, qolalka Shaybaadhka cusbitaalka oo uu booqday.
Intii uu madaxweynuhu ku sugnaa Cusbitaalka shalay, waxa uu warbixin la xidhiidha xaaladda cusbitaalka iyo bukaan-jiifka ka dhegaystay guddoomiyaha guddiga gacanta ku haysa cusbitaalka Dr Muuse Yuusuf Maxamed, waxaanu Md Siilaanyo halkaas uga ballan-qaaday inay wax ka qaban doonaan gal-daloolooyinka iyo baahiyaha dhinaca adeegga caafimaad ee ka jira cusbitaalka Guud ee Ceerigaabo.
Dhinaca kale, Madaxweyne Siilaanyo waxa uu isla shalay ka qayb-galay Xaflad loo qabtay Arday ka qalin-jabisay Jaamacadda Jaamacada Sanaag , halkaas oo Md Siilaanyo Shahaadooyinkii ay kasbadeen ku guddoonsiiyey ardaydii munaasibadda loo qabtay.
Sidoo kale, ardayda Jaamacadda ayaa shahaadooyin guddoonsiiyey Madaxweynaha iyo Wasiirradiisa Maaliyadda, Caafimaadka iyo Madaxtooyada, taas oo ay ku sababeeyeen inay ku muteysteen wax-qabadkooda.
Marwada Madaxweynaha oo ka mid ah weftiga, ayaa dhar lagu xardhay calanka Somaliland guddoonsiisay Ururka haweenka ee gobolka Sanaag.
Xafladda Qalin-jabinta iyo kormeerka madaxweynuhu ku maray cusbitaalka guud ee Ceerigaabo shalay, waxa ay weftiga madaxweynuhu u soo anba-baxeen dhinaca xarunta Gobolka Togdheer ee Burco oo fadhiisin u ahayd socdaalka madaxweynuhu ku marayay gobollada Bari oo maanta galaya maalintii siddeed, waxaanay weftigu ka soo anba-baxeen magaalada Ceerigaabo abbaaro 11:30 barqanimo, iyagoo xalay fiidkii abbaaro 8:00 Cawaysnimo soo gadhay magaalada Burco, sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo xoghayaha xafiiska xidhiidhka saxaafadda ee madaxtooyadu warbaahinta u soo diray.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment