Saturday, August 1, 2015
Wiil 18 Bilood jiray oo Yuhuudda Xag-jirka ahi ku dishay Dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta.
Nablus, 01 August, 2015 (Himilo)- Wiil yar oo 18 bilood jiray oo Falastiini ah, ayaa lagu dilay weerar dab ah oo looga shakinsan yahay in ay ka dambeeyeen Yuhuudda deggan Daanta Galbeed. Seddex qof oo kalena waxay ku dhaawacmeen weerarka, ka dib markii Bam lagu tuuray Gurigooda, oo ku yaal meel u dhaw magaalada Nablus.
Yahuud xag-jir ah ayaa gubay guri ay leeyihiin Qoys Falastiiniyiin ah oo deggan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed. Yahuuda xag-jirka ah ayaa dab qadabsiiyey reerka oo hurda, oo ka koobannaa afar qof, waxana dabka ku dhintay sabi yar oo 18 bilood jira halka Wiil yar oo 4 sano Jira, Hooyada iyo Aabbihiina ku dhaawacmeen.
Haweeneey u hadashay Booliska Israaiil ahaa sheegtay in reerku degganaayeen Tuulo hoos timaadda Nablus oo ka tirsan Daanta Galbeed, ugana shakisan yihiin in ay gurigooda gubeen koox xag-jir ah oo Israaiiliyiin ah. Booliska Israa’iil ayaa sheegaya in ay falkan u aqoonsadeen fal argaggixiso, kuna raad-joogaan ciddii ka dambeysay si ay caddaaladda u hor keenaan.
Dhibaatada dadka reer Falstiin lagu hayo ayaa ah mid maalin kasta ka dhacda dhulka ay Israaiyiintu heysato. Maamulka reer Falstiin ayaa sheegay in eedda geerida iyo dhaawaca reerkan ay leedahay dawladda Israaiil.
Waxay Kooxda Bamka ku tuurtay gurigaas Derbiga Guriga ku qoreen Ereyga ah "aargoosasho" oo luuqadda Hebrew-ga ah. Ururka PLO ee Falastiinta, ayaa sheegaya in Masuuliyadda weerarkan ay leeyihiin dawladda Mr Natanyahu, iyaga oo ku doodaya inaanay waxba ka qaban dadka sharci-darrada ku dagaya dhulka Falastiiniyiinta.
Weerarka ayaa imanaya iyada oo ay isa soo tareyso xiisadda ka dhex taagan kooxaha Mintidka ah ee Isra’iil iyo dawladda Natanyahu, oo iyaga laftooda ku kala qeybsan misaanka iyo baaxadda ay leeyihiin dadka la dejinayo dhismayaasha cusub ee Daanta Galbeed.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment