Tuesday, August 4, 2015
Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Dil ah ku Ridday Askari Hargeysa ku dilay Qof Shacab ah
Hargeysa, 04 August, 2015 (Himilo)- Maxakamadda ciidamada qalabka sida ee Somaliland, ayaa go’aan ka soo saartay dacwadda Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska oo magaalada Hargeysa dil ugu geystay Marxuum lagu magacaabi jiray Alle ha u naxariistee Cabdi Cismaan Cali (Cabdi Nano).
Maxkamadda oo dhegaysiga dacwadda u fadhiisatay 29-ka bishii July, ayaa shalay soo saartay xukun dil ah oo lagu riday Askarigaas oo lagu helay inuu si badheedh ah magaalada Hargeysa ugu toogtay Marxuum Cabdi Naano horaanta bishii June ee sannadkan.
Xukunka shalay ka soo baxay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliland oo warbaahintu heshay, ayaa lagu yidhi, “Maxakamaddu markay aragtay Qodobka 195 ee xeerka ciqaabta ciidamada xilliga nabadda iyo xeerka ciqaabta guud, waxay xukuntay Rafcaanle Cabdillaahi Cabdi Cilmi oo 55 Sanno jir ah, magaca hooyadiina la yidhaahdo Faadumo Axmed, waxaanay ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii ay ku caddaatay inuu dil ula kac ah ku dilay Marxuumka Magaciisa la odhan jiray Cabdi Cismaan Cali (Cabdi Nano), taariikhdu markaya ahayd 02-June-2015."
Dilka Marxuum Cabdi Nano ayaa ka dambeeyay Muran dhul oo ka dhacay degaanka Masallaha Magaalada Hargeysa, kaasi oo ka dhexeeyay dhinacyada dilku ka dhex dhacay.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment